Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo Dalka Keentay Idaacad Dunida oo dhan laga dhegaysan karo

Hargeysa, 18 April, 2012 (SLpost)- Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa markii ugu horreysay ku guulaysatay inay dalka keento idaacad weyn oo laga dhegaysan karo waddanka Gudihiisa iyo guud ahaan dalalka mandaqadda Geeska Afrika oo dhan, taas oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay taala dekedda magaalada Berbera.

Idaacadda cusub oo ah tii ugu weynayd ee muddo 21 sannadood ah Jamhuuriyadda Somaliland yeelato oo ay dalka u soo iibisay wasaaradda Warfaafinta, isla markaana saddexdii cisho ee u dambeeyey taalay dekedda Berbera, ayaa la filayaa in maalmaha soo socda la keeno caasimadda Hargeysa, iyadoo lagu rakibi doono dhisme hore loogu sii diyaariyey oo ku yaal gudaha xarunta Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

Keenista Idaacaddan cusub oo la rejaynayo inay wax weyn ka tari doonto baahidii qaranka Somaliland u qabay helista idaacad dhegaysigeeda waddanka oo dhan wada gaadha, waxaana hore u ballan-qaaday Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) markii uu xilka la wareegay laba sanno ka hor, waxaanay tallaabadani guul taariikhi ah u noqonaysaa xukuumadda Xisbiga Kulmiye, gaar ahaan wasaaradda Warfaafinta.

Idaacaddan ayaa marka la rakibo lagu wadaa inay wada gaadho guud ahaan Gobollada Somaliland iyo waliba dalalka jaarka sida Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaanay fursad weyn u noqon doontaa shacabka ku dhaqan gobollada iyo degmooyinka caasimadda Hargeysa oo aan weligood maqlin idaacad qaranku leeyahay oo ay dhegaystaan muddo 21 sanno ah oo ay Jamhuuriyadda Somaliland madax-bannaanida haystay.

SomalilandPost.net

contact@somalilandpost.net