Wasaaradda Qorsheynta Somaliland oo ka warbixisay Qorshaha wax-qabad ee ay u dejisay dalka iyo sida ay Waajib u tahay inay Hay’aduhu Debeqaan

Sacad Cali Shire

Hargeysa, 07 April, 2012 (SLpost)- Wasaarada Qorshaynta Qaranka ee Somaliland ayaa Maanta faahfaahin ka bixisay Qorshaha Mudada shanta sannadood ee soo socda ee Wasaaradani u dejisay dalka iyo sida ay waajibka u tahay in Hay’aduhu u dabaqaan.

Kulan lagu qabtay Xarunta Wasaarada Qorshaynta Qaranka oo uu Goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka oo ay weheliyaan Madaxda Wasaaradaasi, ayaa waxa ugu horreyn halkaas ka hadlay Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Qaranka Axmed C.laahi “Jeex” oo sheegay in Qorshahani uu koobayo Guud ahaan arrimaha horumarinta Wadanka isla markaana uu ku Qotomo Shan Tiir oo Waaweyn oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha,Deegaanka,Khayraadka Dabiiciga ah ,Wadooyinka iyo wixii la hal maala .

Agaasimahani waxa uu xusay in Qorshahani yahay kii u horeeyay ee ay Wasaarada Qorshaynta Qaranku dalka u dejisay ,isagoo hoosta ka xariiqay in hay’aduhu ay hore ula iman jireen Mashaariic ay Wataan.

Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Qaranka Axmed C.laahi “Jeex” waxa uu intaas ku daray in wixii ka danbeeya haatan ay hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ahiba ay ku shaqaynayaan Qorshahan isla markaana ay Maalinta beri kulan arrintan ku saabsan u qaban doonaan hay’adaha dalka ku sugan, waxaanu xusay inay soo bandhigi doonaan buuga uu qorshahani xambaarsan yahay.

Nuxurka Qorshahan ayaa si cad u tilmaamaya ujeedada Meesha aynu u socono & talaabada aynu doonayno inaynu qaadno waqtiga shanta sanno ah ee lagu jaangooyay , Waxaa kale oo Qorshahan horumarineed ee xiliga dheeri uu muujinayaa sida ay tallaabooyinka la qaadayaa u kala horeeyaan.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland