Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha oo Shaacisay Dhaqan-galka Xeer Markii u horeysay lagu maamulayo Biyaha Dalka

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Macdanta,Biyaha iyo Tamarta ee Somaliland Md Xuseen Cabdi Ducaale ayaa maanta ka qayb galay kulan lagu soo bandhigayay xeerka biyaha Somaliland oo ay dhawaan Goleyaasha Sharci-dejinta ee Somaliland Ansixiyeen, isla markaana uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland si rasmi ah u dhaqan galiyay.

Kulankan oo lagu qabtay huteelka Ambassador ee Magaalada Hargaysa,waxaa kale oo ka qayb galay Mas’uuliyiin ka kala socotay hay’adaha samo falka ee dalka ku sugan.

Kulanka (2)Wasiirka Wasaarada Macdanta,Biyaha iyo Tamarta ee Somaliland Mudane Xuseen Cabdi Ducaale oo kulankaas ka hadlay ayaa ka warramay faa’iidada xeerka biyaha Somaliland, isagoo xusay in xeerkani yahay qaanuunka lagu kala hagayo maamulka iyo horumarinta biyaha ee Somaliland.

“Waxaynu halkan doonaynaa inaynu ku dhaqan galino laba arrimood ama aynu ku shaacino. Arrinta ugu horaysa waxa weeye in aynu shaca ka qadayno maanta sharcigii ama xeerkii Biyaha ee Dalka Somaliland. waxa muddo badan laga shaqeenayey sidii aynu xeerka Biyaha u samaysan lahayn oo ah xeer hagaaya Biyaha. Markaa waxa farxad wayn ii ah inaynu soo gaadhnay marxaladdaas faa’idada inoo ah inaynu haysano xeer Biyaha ku maamulno. Dalkeenu hore umuu lahayn xeerka Biyaha, xeerkanina wuxuu soo maray hawl aad u wayn. Madaxwaynaha aad ayaan ugu mahadnaqayaa inuu saxeexay xeerkan iyo Baarlamaankeena oo ah kuwa sharciga inoo sameeyay iyo cidkasta oo ka qayb qaadatay xeerkan oo waxa uu inoo leeyahay faa’idooyin badan,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Macdanta, Biyaha iyo Tamarta Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale

KulankaWaxaa kale oo uu Wasiirku Sheegay in xeerkani jidaynayo daadejinta maamulka biyaha ee gobolada iyo degmooyinka Somaliland,isagoo tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in la faafiyo oo la hirgaliyo xeerkan oo mudo badan laga dhursugayay. “Waxaan filayaa inuu xeerkani wax wayn ka taraayo maamul wannaaga Biyaha, taas oo ah inaynu ilaalino Biyaha yare e aynu hyasano, waxa kale oo xeer kan Biyuhu uu qayaxayaa waxa uu soo kordhinaayo,”ayuu wasiirku yidhi.

Eng. Xuseen sidoo kale waxa uu ugu baaqay ciddii uu quseeyo xeerkan Biyaha inay sida ugu dhaqsaha badan ay kaalin mug leh ka qataan, waxaanu yidhi.“Haddaba waxaan farayaa dhamaan xafiisyada WMT, Biyaha iyo Ha’yaddaha hoos yimaada ama wada-shaqaynta la leh ee si toosa ah ama si dadban inay kaalin mug leh ka qaatan hirgalinta xeerkan biyaha una hogaansamaan nuxuradiisa oo waxyaabo badan u soo kordhinaaya dalka. Xeerkani oo ka hadlaaya dhawrida, horumarinta iyo kor u qaadista tayada biyaha iyo khayraadka biyaha. Waajibaadka macaamiisha iyo xaquuqda ay leeyihiin, waxa kale oo xeerkani fasirayaa Biyo siinta Magaalooyinka iyo Miyiga oo wax wayn laga qabanayo.”

Kulanka (1)

Waxaa kale oo kulankaas faahfaahin iyo Sharaxaad ku wajahan xeerkan ka soo jeediyay Agaasimaha Waaxda Biyaha ee Wasaarada Macdanta,Biyaha Axmed Dirir iyo Waaxda Wakaaladaha Biyaha Cabdisalaan Sh. Cali Jawhar oo sheegay in Xeerkani uu yahay mid si dhamaystiran ugu adeegaya habka loo maamulayo loona horumarinayo biyaha dalka.

SOMALILANDPOST.NET

contact[at]somalilandpost.net