Wasaaradda Maaliyadda oo Kastam-cashuureedkii u horreeyey ka Hirgalisay magaalada Buuhoodle

Burco (SLpost)- Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa markii ugu horaysay muddada 23-ka sanno ah ee Somaliland jirtay Kastam Cashuureed ka hirgelisay degmada Buuhoodle oo aanay hore uga hawl-gali jirin hay’adaha dakhli-ururinta ee dalku, iyada oo dadweynaha magaaladaasi si weyn u soo dhaweeyeen furitaanka Kastamka Cusub.

buuhoodleKastamkan oo shaqaynayey muddo laba todobaad ah, ayaa soo xereeyey dakhli aan laga filayn, sida uu sheegay Isu-duwaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobollada Togdheer, Saraar, Oodweyne iyo Buuhoodle Maxamed Jaamac Sanweyne oo sharraxaad ka bixiyey geeddi-socodka hawl-maalmeedkooda iyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa bulshada deegaanka.

“Kastamka cashuuraha waxaan ka furnay magaalo-madaxda Gobolka Buuhoodle ee Buuhoodle, waxaanu furnaa muddo laba todobaad ah, runtiina si wayn ayaa lanoogu soo dhaweeyey Buuhoodle hadday tahay odayaasha iyo dadwaynaha ku dhaqan magaaladaasi, runtiina dakhli aad u fiican ayuu soo xereeyey markii kowaadba kastamkaasi cusub, waxaanay baabuurtu soo maraan kastamkan todobaadkii laba jeer, dakhli aad u fiican ayaana naga soo gala,” sidaas ayuu yidhi Maxamed Jaamac Sanwayne oo warbaahinta kula hadlay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Isuduwaha Wasaaradda Maaliyaddu waxa uu sheegay in kastamka Buuhoodle ay ka fureen uu ku yaalo gudaha magaaldaas, hindisihii lagu hirgeliyeyna uu ka yimi Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxaanu yidhi, “Kastamkan ayaa runtii noqonaya Kastamkii ugu horeeyey ee wasaaradda Maaliyaddu ka furato Buuhoodle, taasina waxay ku timi dhiirranaan iyo hoggaaminta fiican ee Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, waana guul u soo hoyotay Somaliland gaar ahaan wasaaradda Maaliyadda, waana wax lagu faano maanta haddii cashuur tii laga qaadayo gudaha magaalada Buuhoodle, waa wax sumcad u ah qaranka oo dhan taasna waxaa ku ammaanan Wasiirka Maaliyada.”

Waxa kale oo uu Isuduwuhu tilmaamay in kastamkani uu bilow u yahay olole ballaadhan oo fekerkeega uu leeyahay Wasiirka Maaliyadda, kaas oo ku wajahan qaabkii lahaa dakhli ururin ballaadhan looga hirgalin lahaa Gobolada Bariga Somaliland.

“Maanta waxaan ka bilownay Buuhoodle, hindise ahaana waxaa noogu jira inaan cashuur-bixinta gaadhsiino dhamaan degaanada hoostaga Gobolka Buuhoodle. Waxaanu ugu baaqaynaa bulshada ku dhaqan Gobolka Buuhoodle oo aanu uga mahad celinayno sida ay noo soo dhaweeyeen inay diyaar ugu noqdaan sidii kaalin muuqata uga gali lahaayeen dakhli ururinta balaadhan ee ay ku jirta Wasaarada Maaliyaddu,” sidaas ayuu yidhi Isu-duwaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Togdheer, Saraar iyo Daad-madheedh.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net