Wasaaradda Maaliyadda oo Digniin u jeedisay Ganacsato Cashuur-diid lagu eedeeyey

Agaasimaha-Guud-ee-MaaliyaddaHargeysa (SLpost)- Wasaaradda Maaliyada Somaliland, ayaa sheegtay in ay tallaabo adag ka qaadeyso Ganacsato badeecadaha ay dalka keenan sifo sharci-darro ah ku soo galiya, lana baxsada cashuuraha ku waajibay.

Agaasimaha Guud ee Wasarada Maaliyadda Somaliland Saleebaan Jaamac Diiriye oo maanta war-fidiyeennada kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa farriin digniin xambaarsan u diray ganacsato uu sheegay inay sifay sharciga baalmaran dalka u soo galiyaan qalabka Elektooriga, kuwaasi oo uu sheegay inay la dhuuntaan cashuurta ku waajibtay.

Saleebaan Jaamac Diiriye oo sababaynayey eedaha uu dusha ka saaray ganacsatada cashuur-diidka uu ku eedeyey, waxa uu sheegay in ay qaar ka mid ah dadka shacabka ah ee diyaarada soo raaca u soo dhibaan shandado ay ku jiraan alaabada Elektoorikada ah si ay uga baxsadaan cashuurta ku waajibtay, taasina ay sababto inay sifo khaldan ku soo galiyan dalka, waxaanu uga digay dadka arrimahaasi lagu eedeeyey in ay caadaystaa arrintaas, haddii kale laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Isaga oo arrintan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Waxa Jira Niman ganacsato ah oo baryahan cadeystay in qalabka Elektorinka ah, sida Mobillada oo kale, ay ku sooridaan Shandadaha gacanta lagu qaato ee ay sitaan dadka diyaaradaha soo raaca, halkii ay ku soo ridi lahayeen shixnadaha Kaargooga ah ee ay Wasaaradda Maaliyadu  cashuurto. Dadka noocaasi sameynayaa waa dadka inta badan soo raaca diyaaradaha, kuwaaasi oo ka yimaadda Dubia ama meel kale oo badan, iyada oo  dadka  ganacsatada  ahi u soo dhibaan shandado ay ku jiran Qalabkaasi Elektarooniga ah oo ay u diidan yihiin in cashuur laga qaaddo.

“Markaa, ganacsatada reer Somaliland waxaanu ugu baaqayaaa in ay u hoggaansamadaan sharciga, haddii kale waxaanu u sheegaynaa in Wasaaradda Maaliyaddu leedahay indho-qudhanjo oo wax walba oo sharcidarro ah ay arkayo, tallaabana ka qaadi doonto ciddii arrimahaasi ku kacda,”ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee maaliyaddu, isaga oo intaas ku daray inay hore tallaabo uga qaadeen dad ku kacay falal noocaas ah.

SOMALILANDPOST.NET