Wasaaradda Isgaadhsiinta oo markii ugu horreysay Dakhligii ugu badnaa Dawladda u soo hoysay iyo isku-xidhkii Shirkadaha isgaadhsiinta oo la dhammaystiray

Hargeysa, 12 February 2012 (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md Axmed Xaashi Oday, ayaa sheegay in wasaaraddiisu markii ugu horreysay dakhligii ugu badnaa u soo xeraysay Dawladda isla markaana ay dhammaystireen adeegga isku-xidhka shirkadaha is-gaadhsiinta.

Wasiirka oo warbixin la xidhiidha waxqabadka wasaaraddiisa ka jeediyey barnaamijka MAQAL-Dadkaaga ee telefishinka qaranka Somaliland  ku kulmiyo masuuliyiinta iyo dadweynaha, waxa uu ka waramay ku talo-galka qorshaha waxqabad ee wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland ee sannadkan.

Wasiirka wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta Md Axmed Xaashi Oday, waxa uu tilmaamay in sannadkan wasaaraddiisa ay qorshaha ugu jirto qabsoomida arrimaha ay ka mid ka yihiin dhammaystirka isku xidhka adeega shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka ee ka hawlgala samaynta isku xidhka caalamig ah ee loo yaqaano (International get away) kaasi oo la xidhiidha isgaadhsiinta telefoonada. Waxa kale oo wasiirku xusay inay qorshaha ugu jirto sidii loo samayn lahaa guddi caafimaad oo heer qaran ah oo soo dartisa saamaynta caafimaad ee tawaradda isgaadhsiintu ku yeelan karaan bulshada.

Wasiirka wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Md Axmed Xaashi Oday waxa uu intaasi raaciyey inay sannadkan ku talo-galeen in la dhiso xarunta wasaaradda, isla markaana kor loo qaado tayada aqooneed ee shaqaalaha wasaaradda ka hawlgala lana dhiso nidaamkii boosaha, wasiirku waxa kale oo u sheegay in wasaaradda loo sameeyey website laga heli karo macluumaadka kala duwan ee wasaaradda.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net