Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland oo Daah-furtay Wejiga 2aad ee Mashruuca Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka

Hargeysa (SLpost)- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland Md Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa maanta magaalada Hargeysa ku daah-furay Mashruuca Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka.

Munaasibad ballaadhan oo lagu daah-furay mashruucan waxa goob-joog ka ahaa oo ka qayb-galay Masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo uu hoggaaminayo Wasiirku ku-xigeenku iyo Saraakiil ka socotay Hay’adaha Caalamiga ah ee ay wada-shaqadaynta leeyihiin Wasaaradda.

Mashruucan Caafimaad oo ay maal-gelintiisa ay bixinayaan hay’ado ay ka mid yihiin UKaid, Health Poverty Action, Mercy-USA oo Kaashanaya Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, isla markaana hore uga ka socday Qaybo ka mid ah gobollada iyo degmooyinka dalka, waxa meelaha laga fulinayo lagu kordhiyey degmooyinka Baki, Lughaya iyo Buuhoodle.

Waxa munaasibadda hadallo ka jeediyey Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo isu-duwayaasha Wasaaradda ee gobollada dalka qaarkood.

Warkan oo Faahfaahsan kaga bogo Muuqaalka Hoose

Somalilandpost.net
somalilandpost@live.com