Wasaaradda Ganacsiga Somaliland oo Badeecado Wakhtigoodu Dhacay ku soo bandhigtay Laascaanood

Laascaanood (SLpost)- Badeecado isugu jira noocyada kala duwan ee Cuntooyinka fudud, Sharaab iyo Caano dhammaantood waqtigoodu dhacay, ayaa lagu soo bandhigay xarunta Wasaaradda Ganacsiga Somaliland ee magaalo-madaxda gobolka Sool ee Laascaanood.

ALAABTA LA GUBAY (3)Xarunta Wasaaradda Ganacsiga ee magaalada Laascaanood ayaa lagu soo bandhigay alaabooyin badan oo laga soo ururiyey Suuqyada Ganacsiga ee degmadaas, kuwaasoo waqtigii loogu talo-galay in la isticmaalo dhaafay oo dhacay.

ALAABTA LA GUBAY (5)Alaabtaas oo isugu jirta Raashin, Sharaab, Buskud iyo alaabooyin kale, ayaa waxay ahaayeen kuwo lagu iibinayay Dukaamo ku yaalla magaalada Laascaanood sida uu sheegay Isu-duwanaha Wasaaradda Ganacsiga Somaliland ee gobolka Sool Fu’aad Maxamed Cumar.

ALAABTA LA GUBAY (4)Fu’aad wuxuu sheegay in alaabooyinkani ay yihiin kuwo dhacay oo sun ah lagana iibinayay shacabka, iyadoo siyaabo badan la adeegsanayo, isagoo intaas ku daray inay weli jiraan qaar shaabbado lagu cusboonaysiinayo loo sameeyay.

ALAABTA LA GUBAY (2)Mas’uulkan ayaa ku hanjabey in shalay soo ururiyeen, balse ay mar labaad ciddii lagu arko ay tallaabo ka qaadi doonaan, taasoo la mid ah dhibaatada ay dadka shacabka ah u geysanayaan. Waxaanu xusay in Alaabooyinka ay qabteen qaarkood muddo sannado ah la soo dhaafay waqtigii isticmaalkooda oo ay dhawr sano dhacsanaayeen, halka ay dadka qaarkood sheegeen in waxyaabo shan sano dhacsanaa laga iibiyey.

ALAABTA LA GUBAY (1)Wasaaradda Caafimaadka gobolka Sool, ayaa dhawaan baahisay inay tallaabo tan oo kale ah ka qaadayso goobaha ganacsiga ee lagu iibiyo dawooyinka dhacay, waxaanay sheegeen inaan la eegayn oo keliya dawada dhacday ee la eegi doono samayska dawooyinka.

ALAABTA LA GUBAY (6)Tallaabadan ayaa dadku u arkaan mid loo baahnaa in wax laga qabto dhibaatada xooggan ee ay Badeecadaha iyo dawooyinka dhacay iyo kuwa aan tayadoodu marka horeba wanaagsanayn ee ay Ganacsatadu sida naxariis-darrada ah uga iibinayaan Shacabkooda, oo aanay noloshooda iyo caafimaadkooda danaynayn, balse ay keliya ka fikirayaan sidii ay waxyaabaha noocaas ah lacag badan uga faa’iidi lahaayeen. Waxaanay dadweynaha qaarkood sheegeen inay ku faraxsan yihiin tallaabada ay Wasaaradda Ganacsigu qaadday, Wasaaradda Caafimaadkana ay sidaas oo kale ka rejaynayaan.

SOMALILANDPOST.NET