Wasaaradda Ganacsiga oo ka hadashay Ganacsato Fulisay iyo Qorshaha Yaraynta Isticmaalka Dollarka, Digniinna u jeedisay kuwa aan hirgelin

HARGEYSA (SLpost)- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Bashiir Cabdi Xariir, ayaa sheegay inkastoo ay dedaal badan muujiyeen inaanay haddana weli si rasmi ah goobaha kala duwan ee Ganacsiga dalka uga wada hirgelin fulinta wax ku baayicidda iyo ku sicir-goosashada lacagta Doollarka ah, isla markaana aan weli loo wada guurin wax ku iibinta Lacagta Shilinka Somaliland.

Bashiir Cabdi XariirHase-yeeshee, waxa uu xusay in Meherado badan oo Ganacsi ajiibeen oo ay fuliyeen go’aankii ahaa in Shilinka Somaliland qiimihiisa kor loo qaado oo wax lagu iibiyo, waxase uu sheegay Iskuullada gaarka loo leeyahay oo markii hore Lacagta Doollarka ah ku qaadi jiray Fiiga Ardayda ay ka qaadaan, ay hadda qaar badan oo ka mid ahi ku beddeleen inay ku qaadaan Fiiga Ardayda Shilinka Somaliland. Balse, ay jirto caqabad ah inay ku qaadayaan qiimo ka sarreeya qiimaha Doollarku ka marayo Suuqyada Somaliland, taasna ay rabaan inay si dhaqso ah wax uga qabtaan. Halka uu sheegay in Guddiga arrintan u xil-saaran ee Wasaaradaha Maaliyadaha, Ganacsiga iyo Baanka dhexe ay dib u eegi doonaan Ganacsatada aan fulin go’aankaas.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Bashiir Cabdi Xariir waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi uu siiyey Telefeshinka Kalsan, Wargeysyada Himilo iyo Saxafi oo shalay Xafiiskiisa Wasaaradda ee magaalada Hargeysa ku booqday, ayaa wax laga weydiiyey halka uu marayo wakhtigan Qorshihii fulintiisa la bilaabay ee ay wadeen Guddi Madaxweynuhu u xil-saaray oo ka koobnaa Wasaaradaha Maaliyadda, Ganacsiga iyo Baanka dhexe, isla markaana lagu doonayey in wax lagaga beddelo isticmaalka wax ku iibinta Doollarka oo Bulshadu la qabatintay wax ku iibintiisa iyo wax ku iibsigiisa.

Waxaanu sheegay in Qorshahaasi ka soo baxay Daraasad ay Khorobo iyo Hay’adaha dawladeed ee dhaqaalaha u xil-saarani sameeyeen sida wax looga qaban karo sicir-bararka iyo qiimaha Doollarka, isla markaana lagu ogaaday in loo baahan yahay in wax laga beddelo arrinta ah wax ku iibinta iyo wax ku iibsiga Doollarka, si qiimo loogu yeelo Lacagta Shilinka Somaliland, isla markaana Qorshahan ay isla qaateen Ganacsatada kala duwan, Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Somtel iyo Telesom ee leh adeegyada E-Dahab iyo Zaad, si Mobile-ka loogu isticmaali karo Shilinka Somaliland, qorshahaasna lagu guulaystay intiisa badan.

Waxa uu sheegay Wasiirku in Weftiyo ay Guddigaas ahi u kala baxeen gobollada dalka, isla markaana dadweynaha iyo Ganacsatada qaarkood-ba soo dhaweeyeen qorshahaas oo ay ballan-qaadeen fulintiisa Ganacsatadu sida uu sheegay. Waxaanu intaas ku daray in tallaabadaasi ay keentay in qiimihii Sarrifka Doollarku hoos uga dhaco halkii uu marayey markii hawshan la bilaabay bishii hore. Inkasta oo uu xusay inuu illaa shalay kor u soo kacay qiimaha Sarrifka Doollarka oo halkii uu ka marayay illaa bilawgii Ramadaan toddoba kun oo shilinka Somaliland ah Halka Doollar, balse uu shalay gaadhay toddoba kun iyo shan boqol oo Shilinka Somaliland ah.

Wasiir Ku-xigeenku waxa uu sheegay inay qorshaha ugu jirto Guddi ahaan in Mustaqbalka wax ku iibinta Doollarku meesha ka baxdo oo xataa adeegga Shirkadaha Isgaadhsiinta laga dhigo Shilinka Somaliland. Hase-yeeshee, Mar uu Bashiir Cabdi Xariir su’aal aan ka weydiinnay qorshahan Shirkadaha aad isla qaadateen Shirkadaha ee aad sheegtay in mustaqbalka la doonayo in Adeegyada Lacagta Mobilellada lagu kala dirsado ee Zaadka iyo E-Dahabka in laga wada dhigi doono Shilin Somaliland halka immika lacag xaddidan oo Shilinka Somaliland ah lagu kala dirsan karo, miyaanay taasi meesha ka saar?

Sidoo kale, Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka jawaabayey su’aal aan ka weydiinnay sida loo dhaqan geliyey Digreeto Wasaaraddu soo saartay oo ay ku amreen Ganacsatada in Shilinka Somaliland wax lagu kala iibsado halkii Doollarka wax lagu kala gadan jiray oo fulinteedu ka bilaabmaysay 15-ka bishii June ee inna dhaaftay, iyadoo weli Suuqyada Caasimadda iyo magaalooyinka dalka Doollar wax lagu kala iibsado iyo inay wax tallaabo ah ka qaadeen Ganacsatada, waxa uu yidhi; “Horta, Digreetada aannu soo saarnay waxay ka soo baxday tallaabooyinkii Guddiga Qaran ee Madaxweynuhu magacaabay qaadayeen, maannaan odhan Doollarka yaan waxba lagu kala iibsannin, ee waxaannu nidhi waa in Shilinka Somaliland ay Meheradaha Ganacsigu wax ku iibiyaan, halkii ay Doollar uun qaadi jireen.”

Waxaanu Wasiir Ku-xigeenka oo weli sii wata jawaabtaasi intaas ku daray oo yidhi; “Laakiin, haddana mushkilad kale ayaa ku dhex-jirta oo waxa ku dhex-jirta qiimaha ay Shilin Somaliland-ka ku qaadanayaan ayaa sarreeya oo qiimihii la odhan jiray Doollarku wuu kici doonaa ee la sii hor-degi jiray ayay isticmaalayaan, balse way oggolaadeen inay Lacagta Somaliland qaataan, ee dhibaatadaas baa soo baxday, taasna xalkeeda waannu u fadhinaa oo waxbaa laga qaban doonaa. Arrintanina ma hawl-yara oo waxay u baahan tahay wakhti badan, waayo? Nidaamka aannu doonayno inaannu beddelno illaa 1991-kii markii ay Somaliland dhalatay ayaa lagu soo dhaqmayey oo dadku way la qabsadeen, waayo dawladnimadeenna nidaamkan Ganacsatada ayaa ka horreeyey.”

Waxa uu sheegay in qiimaha Doollarka in la jebiyo lagu guulaysto la gaadhi karo marka lagu guulaysto in Baanka Somaliland uu gaadho heer uu isagu si buuxda u maamulo Doollarka, isla markaana Ganacsadaha doonaya inay wax dibedda ka soo iibsadaan Baanku Doollar siin karo oo aanay suuqa u doonan karin isagoo qiimaha Baanku ku bixin doonaa ka hoosayn doono, isagoo xusay Wasiir Ku-xigeenka Ganacsigu in qorshahaasna ay Guddigu waddo sidii loo gaadhi lahaa. Waxa kale oo uu sheegay inay Ganacsatada Xoolaha laftooda wadaan qorshe marka ay Xoolaha Sayladaha dalka ka iibsanayaan ku iibsadaan Shilinka Somaliland, isla markaana marka ay dhoofiyaan Xoolaha Lacagta adag ee Doollarka ah ee soo gasha qayb ka mid ah soo mariyaan Baanka dhexe oo loogu beddelo.

Bashiir Cabdi Xariir oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inay Ganacsatada Shuruud ku xidhaan ay ku isticmaalaan Baanka dhexe, waxa uu yidhi; “Hadda waannu bilawnay Wasaarad Ganacsi ahaan oo dhammaan dadkii aannu Liisammada Ganacsiga siinnay qoraal baannu u qornay aannu leenahay qofna Liisanka loo cusboonaysiin maayo haddaanu Account (Sanduuq-Xisaabeed) ku lahayn Baanka dhexe, qoraalkaasina wuu naga baxay, Liisammada cusubna Shuruud baannu uga dhignay in qofku Akoon ku leeyahay Baanka dhexe, Bangiguna inuu dib isu habeeyo waa hawl u taalla oo qorsheheeda uu ku jiro, oo uu adeeggii lacagta adag uu sameeyo.”

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Bashiir Cabdi Xariir waxa uu sheegay in Wasaarad ahaan qorshayaal badan iyo hawlo badan oo ay diyaariyeen dhaqaajintooda in caqabado badani ka hor-yimaaddeen oo ay hore u dhaqaaqi waayeen sida kala-xadaynta Ganacsiga iyo kuwo kale. Hase-yeeshee, ay hadda Xeerarka kala-xadaynta, maalgashiga iyo kuwo kale-ba ay diyaariyeen oo ay dhawaan u gudbi doonaan Golayaasha Sharci-dejinta ee Baarlamaanka.