Wasaaradda Duulista Somaliland oo sheegtay in Qaramada Midoobay maamulka Hawada sare ku wareejisay Dowladda Soomaaliya

Nairobi (SLpost)- Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday in dawladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah loogu wareejiyey Maamulka Hawada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ay Somaliland qayb ka tahay, waxaanay sheegtay inay Hay’adda Maamulka Hawada uga masuulka ah Qaramada Midoobay ee ICAO iyo dawladda Soomaaliya ay ka bexeen heshiisyo hore looga gaadhay qaabka soo wareejinta maamulka Hawada oo ay labada dhinac si siman inay u wadaagaan dhigayey.

Agaasimadaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Cumar Sayid, ayaa sheegay in dhawaan Hay’adda ICAO ku casuuntay kulan saddex geesood ah oo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku dhexmaraya Guddiyo Farsamo oo ka kala socday Somaliland, Soomaaliya iyo Hay’adda ICAO, kuna saabsanaa arrimaha Maamulka Hawada Somaliland iyo Soomaaliya.

duulista“Hay’adda Duullimaadyada Qaramada Midoobay u qaabbilsan ee ICAO, ayaa na casuuntay, Guddi Farsamo oo Hargeysa ka tagtay oo anigu aan hoggaaminayo oo laba qof ah ayaannu ahayn iyo Guddi kale oo dhiggayaga ah oo Muqdisho ka timi, labadaa Guddi ee Farsamo ayaa isu yimi, waxaanay ujeeddadu ahayd in la isla soo dhaweeyo qaabkii Farsamo ahaan Hawada loo maamuli lahaa. Markaannu meeshii tegnaynayna wax wixii ka duwan baannu ugu nimi.” Sidaa ayuu yidhi Agaasime Cumar Sayid oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da.

HALKAN KA DHEGAYSO

SOMALILANDPOST.NET