Wasaaradda Duulista iyo Hawada oo adeeg cusub oo dhinaca Amaanka ah ku soo kordhisay Garoonka Diyaaraddaha Ee Magaaladda Hargeysa

Hargeysa, 02 April, 2012 (SLpost)- Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland ayaa maanta soo bandhigtay Qalab Casri ah oo lagu rakibay garoonka diyaaradaha ee  magaalada hargeysa  kaas oo wax weyn ka tari doona Ammaanka madaarka.

Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada  Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo faahfaahin ka bixiyey qalabkan ayaa sheegay  in qalabkan lagu dhamaystiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa,isaga oo tilmaamay inuu wax ka tari doono amaanka dadka soo degaya, kuwa  dhoofaya iyo guud ahaan amaanka dalka. Wasiirka oo Arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Waxa maanta madaarka caasimada  ee Cigaal International Airport lagu dhamaystiray qalab casri ah oo baadhaya Shandadaha iyo dadka, kaas oo xoojin doona amaanka dadka dhoofaya, kuwa soo degaya iyo guud ahaan amaanka qarankaba¡.”

 Wasiirku waxaa uu intaa sii raaciyey hadalkiisii,”Hawshan mudo dheer ayaanu soo wadnay waxaana aad nooga caawisay dawlada dalka ingiriiska oo aanu aad ugu mahad naqayno, qalabkana waxa loo tababaray dhalinyaro jaamiciyiin ah kuwaas oo iyagu ku shaqayn doona.”

Wasiirka ayaa sheegay in hawlaha dhinaca dhismaha iyo amaanka ee ka socda garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ay qayb ka qaadatay xukuumada Somaliland. “Hawlahan dhinaca amaanka iyo dhismayaasha ee ka socda garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa xukuumada Somaliland way ka qayb qaadatay maalgelintooda taas oo ilaa iyo intii ay xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xilka la wareegtay  aan mar kaliya la joojin dhismaha madaarka, haatana maraya meel fiican  iyada oo dhismayaal badan lagu soo kordhiyey qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay madaarku,” ayuu yidhi Wasiirku.

SLpost News desk

Hargeysa, Somaliland