Wasaaradda Duulista Hawada oo ku hanjabtay inay Xoog ku rarayso Dadka Dhismayaasha ka samaystay agagaarka Madaarka Diyaaradaha Burco oo dayac-tir lagu samaynayo

Maxamuud Xaashi
Maxamuud Xaashi

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabayaan dayactirka garoonka magaaladda Burco isla markaana ay xoog kaga rarayaan dadka ka agdhow garoonka diyaaradaha haddii ay u hoggaansami waayaan sharciga.
Waxa kale oo uu wasiirku carrabaabay Xaddiga lacageed ee ku baxay dib-u-dhiska Garoonka oo uu ku sheegay $500,000 (Shan boqol oo Kun oo Dollar) taas oo sida wasiirku tilmaamay dadweynuhu bixinayaan qayb ka mid ah.
Wasiirka oo ugu horreyn ka hadlaya Qorshaha ay xukuumadda uu ka tirsan yahay ka leedahay Madaarka Burco, waxa uu yidhi, “Qorshaha aanu ka leenahay madaarka Burco waxa weeye sidii loo suura-gelin lahaa in madaarkaas dib-u-dhis loogu sameeyo si meeqaamkiisa iyo muuqalkiisu kor ugu kaco, una suuragasho in ay diyaaraddo waaweyni imin karaan ama ka dhoofi karaan.”
Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu tilmaamay laba sababood oo hawsha dib-u-dhiska madaarku aanay wakhtigan uga fursanayn in la dhammeystiro iyada oo la adeegsanayo taageerada shacabka, waxaanu arrinta ugu weyn ku tilmaamay in wakhtigan xaadirka ah laga gudbay ku-talo-galkii markii hore loo sameeyey madaarka oo aanay imika fadhiisan Karin diyaaradaha waaweyn. “Laba arrimood ayaa saldhig u ah; mid waxa weeye garoonka oo u baahan dib-u-dhis oo Ranweygiisa la adkeeyo, dhulkiisii oo lagu soo durkay oo xadkiisii lagu soo xadgudbay,taasina ay keentay amaanka diyaaradaha soo-degaya inuu halis galo, oo dad, xoolo iyo dhismaba lagu soo dhaweeyey,” ayuu yidhi wasiirku, waxaanu intaas ku daray, “Qoddobka labaad waxa weeye diyaaradihii yaryaraa ee iman jiray ee shirkadaha ganacsiga oo iyaguna markii shiidaalkii ku qaali garoobay ama diyaaradihii yaryara dalka ka sii dhammaadeen ay suuragal noqon wayday inay yimaadaan oo ay door bideen inay Berbera dadka keenaan oo markaa halkaa basas lagaga soo qaado,” ayuu raaciyey wasiirku.
Wasiirku Waxa uu ku hanjabay inay xoog ku rarayaan dadka dhismayaasha ka samaystay agagaarka madaarka Burco isaga oo xusay Fogaanta ay tahay inay dadku u jirsadaan Garoonka, isaga oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Madaarkani maaha mid cusub, waa madaar hore u jiray oo waa la adeegsan jiray ilaa xilligii dawladdii Ingiriisku dalkan gumaysan. Waa garoon guun ah waana garoon ahmiyad weyn leh, xadkiisa 1-aad wuxuu noqonayaa 300 oo Mitir oo dhinac walba u noqonaya Bari iyo Galbeed.”
In garoonka dadka ka ag-dhow ay ka rarayaan ayuu wasiirku ku sheegay farriintiisa mar uu maanta u warramayey idaacadda BBC laanteeda Af-Soomaaliga, waxaanu ugu hanjabay inaanay wax gor-gortan ah ka galayn go’aanka dadka lagaga rarayo, balse waxa uu tilmaamay inay dadka dhismayaasha ka samaystay qancinayaan, lana tashanayaan. “Marka wax gorgortan ah ka gali mayno waxa weeye aanu qancinaynaa dadka yaalla waanu la tashaynaynaa halkooda ayaanu ku qancinaynaa. Haddii ay ku qanci waayaan dawladdu iyada ayaa dhulka maamusha, iyadaa u xil-saaran, waa dhul dan-guud ah oo madaarku hore u lahaa, dadkanina ma laha ee xoog baanu ku raraynaa,” ayuu wasiirku farrintiisa ugu diray dad dhismayaasha iyo seeska ka samaystay agagaarka Garoonka diyaaraha ee Burco oo muddooyinkii ugu dambeeyey hadal-heyntiisu aad u badneyd.

SLpost News/Hargeysa
Somalilandpost.net