Wasaaradda Duulista Hawada oo Heshiish rasmi ah la gashay shirkad Ajaanib ah oo dib-u-dhis ku samaynaysa madaarka Diyaaradaha ee Berbera

Maxamuud Xaashi

Hargeysa, 13 March 2012(SLpost) – Wasiirka Duulista iyo Hawadda Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi iyo  Habtamu Mengiste Madaxa Shirkad Ethioipian ah oo magaceeda la yidhaahdo Teleberham Ambaye Construction Company, ayaa maanta si rasmi ah heshiis ugu kala saxeexday garoonka diyaaraha ee magaaladda Hargaysa.

Wasiirka Duulista iyo Hawadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ugu horeyn halka ka hadlay heshiiskani dhexmaray Wasaaradda Duulista iyo hawadda Somaliland iyo Shirkadda Teleberham Ambaye ayaa sheegay in heshiiskani daba socdo kadib markii shirkadani ku guulaystay qandaraaska dhismaha Terminaalka cusub ee garoonka diyaaraha ee magaaladda Berbera iyo dayr lagu wareejinayo Airportka.

Wasiirka Duulista iyo Hawadda Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in mashruucani ay maalgalisay dawladda Kuwait isla markaasna ay ku baxayso lacag dhan $4,390,000 (Afar malyan saddex boqol iyo sagaashan kun).

Wasiirka Duulista iyo Hawadda Somaliland waxa kale oo uu sheegay inay Dhismaha Terminaalka cusub ee Garoonka Magaaladda Berbera uu wax weyn ka tari doono dhaqaalaha dalka waxaanna uu siddoo kale sheegay inay ka go’aan tahay inay horumar buuxa ka sameeyaan dhinac kasta.

Dhinaca kale, waxa isna madasha ka hadlay  Md Habtamu Mengiste, ayaa sheegay inay wakhti badan ku qaadatay siddii u qandaraaskani u heli lahaayeen heshiiskani ay sidda uga dhakhsaha badan u hirgalin lahaayeen.

 Waxaanna uu sheegay in heshiiskoodu ku qotomo siddii dib u hayn iyo dhismayaal casri ah loogu soo kordhin lahaa garoonka diyaaraha ee magaaladda Berbera isagoo siddoo kalenna sheegay inuu ku rejo wayn yahay in ay hawsha bilaabaan inta ka horeysa bisha June.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland