Wasaaradda Diinta oo Ka Deyrisay Heerka Tahriibta Dhalinyarada iyo Kufsigu ka marayaan Dalka

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa ka deyriyey heerka Kurfigu dalka ka marayo iyo Kor u kaca tahriibka dhalinyarada.

Wasiirka oo maanta shir jaraa’id oo ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu Xusay in Sinadu tahay Dunuubta uu Ilaahay ku Halaago Umadaha, Isagoo u Soo Jeediyay Bulshada inay ka Dheeraadaan Fool Xumada Sinada iyo Kufsi-wadareedyada oo wakhtiyadan dambe ku soo Kordhaya dalka .

khaliilWasiirka Diintu waxa uu u mahad celiyay Komishanka xuquuqul insaanka qaranka oo qabtay shir dhawaan ay daboolka kaga qaadeen tiro-koob ay ku sameeyeen kufsiyadii gobolada dalka oo dhan ka dhacay.

Sheekh Khaliil waxa kale oo uu ka hadlay tahriibka dhalinyarada Somaliland oo muddooyinkan dambe kor u sii kacay, waxaanu Xusay in Wasaarad ahaan ay ka Hawl galeen Wax ka qabashada Tahriibta, maadaama ay tahay aafo ku soo korodhay Mujtamaca ,oo ay ku baa’bayaan Xooggii dhalinyarda dalka u soo Kacaysay, isagoo Sheegay inay Xaaraan tahay in Nafta la biimo geliyo. Wasiirku waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Waalidiintu door weyn ka qaataan ka Wacyi gelinta Dhalinyarada halista Tahriibta, balse aan loo Xaraashin dahabka iyo hantida qoysaska.

Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed waxa uu Bogaadiyay laanta Socdaalka Somaliland oo qab-qabtay dad lagu eedeeyay inay xuddun u yihiin tahriibinta.

SOMALILANDPOST.NET