Wasaaradda Dib U Dejinta Oo Deeq Raashin Ah U Qaybisay Qaxoonti Yemeniyiin Ah

Hargeysa, (SLpost)- Wasaaradda dib u dejinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay u qaybisay raashin loogu tallo-galay inay ku afuraan bisha barakaysan ee Ramadaan, dadka ka soo qaxay  dagaalada ka socda wadanka Yemen ee ku sugan dalka iyo dad  danyar ah oo degan magaaladda Hargeysa.

Xaflad  Loogu qeybinayay  raashinkan 905 qoys oo danyar ah iyo 145 qoys oo ka soo barakacay dagaalada Yemen oo ku wada sugan  magaaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb-galay Wasiirka wasaaradda dib u dajinta Cali Siciid Raygal, wasiir ku xigeenka shaqada iyo arrimaha bulshada Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan iyo wasiir ku xigeenka  Maamulka goboladda  ee wasaaradda arrimaha gudaha Axmed Faarax Cadare.

Wasiirka dib u dejinta Cali Siciid Raygal oo halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay in la filayo in ay dalka soo gaadhaan dad kale oo ka soo cararay dagaalada Yemen, waajibna ay tahay in la caawimo dadkaas soo barakacay, waxaana uu yidhi “Cid kasta oo aduunka ku nool ee muslimiinta ah waxa ku waajiba in wax la taro dadka soo barakacay, baryahan aad ayay u soo badanayaan dadkii qaxoontiga ahaa ee ka imanayay dalka Yemen, waxaana la filayaa in Somaliland ay soo  gaadhaan dad gaadhaya kumaanaan kun oo qof cid kasta oo wax tartana ajar iyo xasanaad ayay ka helayaan.”

Wasiir ku xigeenka  maamulka goboladda ee wasaaradda arrimaha gudaha Axmed Faarax Cadare oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in dadkani baahi u qabeen in la guddoon siiyo raashinkan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadda Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ka go’an tahay inay caawiso dadka ka soo barakacay dagaalada Yemen iyo dadka danyarta ah  ee ku sugan dalka.

Somalilandpost.net