Wasaaradda Dhalinyarada iyo Dhaqanka oo ka Digtay Xatooyo Dalxiiseyaasha Shisheeye Kula Kacaan Duur-joogta iyo Aasaarta Qiimiga ah

Hargeysa (SLpost)-Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Md Cali Siciid Raygal, ayaa dalxiiseyaasha Shisheeye uga digay inay bililiqaystaan taariikhda Qadiimiga ah ee dalka.

Wasiir Cali Siciid Raygal waxa uu sheegay in muddooyinkii u dambeeyey la dareemay Dalxiiseyaal Ajaanib ah oo si sharci daro dalka uga daabula ugaadha iyo Aasaarta Qadiimka ah ee dalku hodanka ku yahay.

“Baryahan dambe waxa la sheegayay inay soo baxeen dad ajaanib oo dibadda ka imanaya oo intay madaarrada ka soo dagaan odhanaya Dalxiisyaal ayaanu nahay kuwaas oo aan soo marayn wasaaradii iyo meeshii sharciyadda laga siin lahaa iyagoo wata dad iska gadh wadeena oo iska kaxaynaya, waxaanay gaynayaan goobihii Aasaarta qadiimiga ahi ku duugnayd ka dibna ay bililiqaystaan oo iska gurtaan, arrintaasina waa arrin shacabka reer Somaliland dhamaantood xil ka saaran yahay inay illaashadaan,” ayuu yidhi Cali Siciid Raygal oo  warbaahinta u warramay.

Cali Siciid RaygalWasiirka Dhalinyarada iyo Dalxiisku waxa uga digay dalxiisayaasha inay sifo sharci-darro ah u maraan ugaadhsiga iyo gurashada Aataarta Qadiimiga ah,  “Waxaanu uga digaynaa dadka dalxiisayaasha ah marka ay doonayaan inay so arkaan ama meelaha aataarta qadiimka ah taalo inay marka hore soo maraan wasaarada oo sharciyada qaataan, mar labaadkana cid lagu daro oo la ogaado inuu dalxiise yahay iyo in kale,” ayuu yidhi Cali Siciid, waxaanu intaas ku daray isaga oo la hadlay masuuliyiinta Laanta Socdaalka ee dalka, “Madaxda socdaalka iyo kuwa madaaradaba waxaanu ku war galinaynaa inay ilaalyaan hantida qaranka, waxaana wasaarad ahaan noo qorshaysan in dalxiiska kor loo qaado oo gaadhsiino heer dalka dakhli soo galiyo.”

SOMALILANDPOST.NET