Shabakadda CADALOOL.COM oo lagu abaal-mariyey Doorkii ay ka qaadatay Baahinta Tartankii Ciyaaraha Gobollada

Hargeysa (SLpost)- Munaasibad Habeen hore lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa Shahaado-Sharafyo lagu Guddoonsiiyey Dadkii ka qayb-qaatay Hirgelinta Tartankii Ciyaaraha Gobollada Somaliland iyo Warbaahintii sida Joogtada Gudaha iyo Dibaddaba ugu gudbinayey tartankaasi.

Xafladdan oo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Shahaado-sharafyo ku guddoonsiisay Shirkadaha iyo Shaqsiyaadka sida tooska ah iyo sida Dadban ba uga taageeray hirgelinta tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland, ayaa waxa sidoo kale Dadka Shahaado-Sharafta lagu Guddoonsiiyey ka mid ah Maamulka Shabakadda Ciyaaraha ee CADALOOL.COM oo intii tartanku socday si toos ah ugu gudbinaysay Ciyaaraha Dadka Internet-ka Isticmaala ee ku kala nool daafaha Adduunka.

abaalmarin-cadaloolCADALOOL.COM oo ah Shabakad ama Mareeg si Maalin leh Ciyaaraha Dalka iyo kuwa dibedda ugu baahisa Internet-ka, ayaa Wasaaradda Ciyaaruhu uga mahad-celisay doorkii ay ka qaadatay Baahinta Tartankii Ciyaaraha ee Gobollada Somaliland isla-markaana ay Shacabka Gudaha iyo dibedda ee Internet-ka Isticmaala uga haqab-tirtay Daawashada Ciyaaraha.

Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Maxamed Faarax Maydhane iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi Maxamed Xuseen Dhabbeeye oo ka hadlayey Munaasibaddii Cadalool.com iyo Dadka kale lagu guddoonsiiyey Shahaado-Sharafyada, ayaa si isku mid ah u xusay in Cadalool ay Shahaado Sharafta la siiyey ku muteysatay doorkii wanaagsanaa ee ay ka qaadatay baahinta Ciyaaraha Gobollada Dalka, sidaa darteedna ay mudan tahay in lagu maamuso wax-qabadka ay muujisay.

Waxa Xusid Mudan in Xafladdaasi Shahaado-Sharafyo lagu Guddoonsiiyey Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Koleyga Maxamuud Xasan Cabdillaahi (Qodax) iyo Guddoomiyaha Xidhiidhka kubadda Cagta Somaliland.