Wasaaradda Caafimaadka oo sheegtay inay ku Hawlan tahay Baadhitaanka Dacwado looga Gudbiyey Dhakhtar ay Shacabka Reer Hargeysa Tigidho u goosteen Imaatinkiisa

Maxay ka yidaahdeen Guddiyada Dhakhaatiirta iyo Mihnadleyaasha Caafimaadka Dalka?

 “Ninkaa Dr. Cali Macow iyo Farmasiga dadka u diiwaangelinaya waanu baadhaynaa, waxaanan u dirnay…” Dr. Cismaan Xuseen Warsame, Agaasimaha Guud wasaaradda Caafimaadka

“Dr. Cali Macow iyo qolada la shaqeynaysa midna nooma iman…, weli wax ogolaansho ah maanu siin…” Dr Luul Jirde Xuseen, Madaxa Guddida Qaranka ee Mihnadaha Caafimaadka

“Waxaan u arkaa ganacsi dadka lacag lagaga furanayo, waa in bulshadu iska hubiso qof kastoo dibedda..” Dr. Cabdirashiid Xaashi Cabdi, Gudoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Somaliland

Hargeysa (SLPOST)- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Guddiyada Dhakhaatiirta iyo Mihnadleyaasha Caafimaadka ee dalka,

Garman

oo dhammaantood la hadlay Wargeyska Himilo, ayaa siyaabo isku mid ah uga hadlay socdaal la filayo inuu dhawaan dalka ku yimaaddo Dr Cali Macow oo ka mid ah Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee Xirfaddooda iyo takhasuuskooda Caafimaad kaga shaqaysta Qaaradda Yurub, kaas oo shaaciyey inuuu magaalada Hargeysa ka fulinayo Adeegyo Caafimaad

Dr. Cali Macow ayaa muddooyinkii u dambeeyey ku faafinayey telefishannada dalka qaarkood farriin uu ku sheegayo inuu hawlo caafimaad u iman doono Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa, waxaana wakhtigan diiwaan-gelintiisa laga wadaa

Farmasi ku yaala magaalada Hargeysa, iyada oo dadka ilaa wakhtigan is-diiwaangeliyey lagu sheegay inay gaadhayaan Laba Kun oo Qof, kuwaas oo midkiiba laga qaaday Qaddar lacag ah oo dhan $40 (Afar Dollar) oo Diiwaan-gelin ah.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay inay wakhtigan baadhitaan ku wadaan dacwad laga soo gudbiyey Dr Macow, waxaanay ka digtay inuu dalka Yimaaddo ilaa inta natiijada dacwadaasi soo baxayso.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, ayaa sheegay inay ku guda-jiraan baadhitaanka hawsha Aqoonyahankani ka bilaabayo dalka, isla markaana ay wax-ka-qabashadeeda u xil-saareen Guddida Qaranka ee Mihnadaha Caafimaadka, ka dib markii dacwad ku saabsan soo gaadhay, waxaanu yidhi, “Ninkaa Dr. Cali Macow iyo Farmasiga dadka u diiwaangelinaya waanu baadhaynaa, waxaanan u dirnay Guddida Qaranka ee Mihnadaha Caafimaadka baadhitaankooda, ilaa maanta (shalay) ayaan jawaab ka sugaynaa, ka dib markii dacwad ku saabsan na soo gaadhay.”

Dr. Cismaan oo la weydiiyey Nooca dacwadda iyo cidda wasaarad ahaan dacwadda uga soo gudbisay Dr Macow maadama oo xilligan ay socoto diiwaan-gelinta dadka bukaanka ah ee ka faa’idaysanaya adeegyadiisa Caafimaadka, waxa uu ku jawaabay, “Waxa dacwad ku saabsan ninkan noo soo gudbiyey muwaadiniin dalka Ingiriiska ku sugan, Ilaa baadhitaankiisu dhamaadana, isla markaana Guddida Qaran ee Mihnadaha Caafimaadku siiso liisan ku-meel-gaadh ah oo ku shaqeeyo, wax hawl ah kama qaban karo, mana iman karo dalka,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga heer Qaran ee Mihnaydleyaasha Caafimaadka Dr. Luul Jirde Xuseen oo aanu wax ka weydiinay imaatinka Dhakhtarka, ayaa sheegtay inaanu jirin ogolaanshiyo iyo war-gelin ay Dr. Cali Macow iyo Xarunta Caafimaad ee ay wada-shaqaynta iska kaashanayaan u soo gudbiyeen guddigooda.

 “Dr. Cali Macow iyo qolada la shaqeynaysa midna nooma iman, Guddiga Qaran ee Mihnadaha Caafimaadka weli wax ogolaansho ah ma siinin, sharciguna waxa uu dhigayaa in qof kasta oo ku shaqeysta xirfada caafimaadka aanu diiwaangelino, marka shahaadooyinkiisa iyo aqoontiisa la xaqiijiyo,” ayey tidhi Dr Luul.

Dr. Luul Jirde Xuseen oo la weydiiyey maadama ay jiraan ajaanib badan oo xirfada dhakhtarnimo kaga shaqeysta dalka inay jirto ogolaansho ay siiyeen oo u diiwaangashan yihiin, ayaa sheegtay in qaarkood u diiwaangashan yihiin, qaarna aan weli la diiwaangelin, iyada oo ku dooddey inay tan sabab u tahay guddigooda oo cusub awgeed, “Qaarkood way diiwaangashan yihiin, qaarna ma diiwaangashana, maadama guddidu cusub tahay, laakiin qorshahaygu waa in qof kasta oo xirfadda caafimaad ku shaqeysta aanu diiwaangelino marka aqoontiisa aan hubino,” ayey tidhi Dr Luul Jirde.

Gudoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Somaliland, Dr. Cabdirashiid isagana aanu wax ka weydiinnay haddii ay jiraan jarran-jarrooyin loo baahan yahay inuu maro qofka xirfaddiisa caafimaadka kaga hawl-galaya dalka ee waddamada dibadda uga yimaadda, ayaa sheegay in Guddiga Mihnadleyaasha Caafimaadku ay tahay inay hubiso aqoontiisa ka dibna la siiyo ogolaanshiyo uu ku shaqaysto, waxaanu yidhi, “Qof xirfad caafimaad doonaya inuu kaga shaqeysto dalka, isla markaana aan la soo xidhiidhin ururka dhakhaatiirta Somaliland iyo Guddiga Qaran ee Mihnada Caafimaadka oo hubinaysa aqoontiisa uu shaki weyn leeyahay, maadama aanay jirin cid hubisay aqoontiisa.”

Dr. Cabdirashiid oo la weydiiyey wixii talooyin ah ee uu bulshada u jeedinayo maadaama ay yihiin Aqoonyahankii dalka, waxaanu yidhi, “Waxaan u arkaa ganacsi dadka lacag lagaga furanayo, waa in bulshadu iska hubiso qof kastoo dibedda ka yimaada, ilaa hay’adaha qaabilsan ogolaansho siiso. Ninka Yurub jooga inuu dadkan masaakiinta u soo lacag doonto, waxaan u arkaa nidaamkan dadka lagu baadhanayo. Hadii yahay dhakhtar dadka u naxaya horta cusbitaalka Hargeysa ayuu bil bilaash ugu shaqeyn lahaa ummada, dawooyin ayuu mucaawino ugu keeni lahaa, ka dib macquul ayey noqon lahayd inuu clinic furto. Nin aan weligii dalka Somaliland iman, muwaadina ahayn, oo intuu toos uga yimaado Yurub, dalka u soo shaqo taga waxaan u arkaa inay tahay hab dadka lacag lagaga furanayo,” ayuu yidhi.

Xigasho–Himilomedia