Wasaaradda Caafimaadka oo Shaacisay Wakhtiga uu bilaabmayo Ololaha Caafimaadka ee Carruurta lagaga Talaalayo Cudurrada Guud

Dr Xuseen Xoog

Hargeysa, 13 February, 2012 (SLpost)- Wasiirka wasaaradda  Caafimaadka Dr  Xuseen  Muxumed  Maxamed  (Xoog)  ayaa shaaciyey inuu dalka ka bilaabmi doono Olilihii talaalka Carruurta ee Cudurrada Guud.

Wasiirka oo maanta Shir  jaraa’id  ku qabtay xafiiskiisa  waxa uu Cadeeyay in    hawl-wadeennada Caafimaadka ee Hawshan galayaa ay ololaha caafimaadka bilaabi doonaan 19.2.2012 kaa soo ka mid ahaa ku talagalka  qorshayaasha  horumarinta  caafimaadka  caruurta ee  sannadka  2012ka.

Wasiirka wasaaradda caafimaadku  waxa uu tilmaamay waajibaadka waalidka  dusha  ka  saaran  ee Illaahay ku eegayo  ay  ka mid tahay  sida uu isaga  xil saaro kor  u qaadida  baahiyaha  ama  daryeelka  caafimaadka,  waxbarashada   iyo barbaarinta  suuban.

Wasiirka  oo hawl wadeenada  fulinaya  talaalka  ka  hadlaayey  ayaa sheegay in loo sahlayo  agabka  ay  goob  kasta  kaga  hawl galayaan,  iyagoo looga  baahan yahay inay  waalidka  si degan u  fahansiiyaan  si ay  adeega  ubadka  loo qabayaa  ay  kaalintooda ua  qaataan  waalidka ubadka dhalayna  keenaan  goobaha talaalka.

Wasiirku  wuxuu  hadalkiisa ku soo gebo-gebeeyey in  talaalkani uu yahay mid  lacag  la’aan  ah  taas daraadeedna loo baahan yahay sidii fursadaas loogaga faa’iidayn lahaa ubadka .

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net