Wasaaradda Caafimaadka oo Cusbitaallada Gaarka loo leeyahay ku eedaysay inay Duullaan ku yihiin Goobaha Caafimaad ee Gacanta Xukuumadda ku jira

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo kaga dhawaajisay Dagaal Cusbitaallada Gaarka loo leeyahay ku hayaan adeegyada Caafimaad ee xukuumaddu gacanta ku haysoHargeysa (SLpost)- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa cusbitaallada gaarka loo leeyahay ee ku yaala magaalada Hargeysa ku eedaysay inay bilaabeen dacaayado ka dhan ah sharafta iyo hawl-qabadka uu bulshada u hayo Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa oo wasaaradda Caafimaadku maamulkiisa gacanta ku hayso.

Warbaahinta maxalliga ah ee dalka qaarkood, gaar ahaan wargeysyada ka soo baxa magaalada Hargeysa, ayaa bogaggooda hore lagu qoray warar ka dayriyey xaaladda Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa iyo kalsoonida shacabku ku qabi karaan adeegyada caafimaad ee uu bulshada u hayo, iyada oo wararkaas lagu sheegay in tirada dadka qalliinno lagu sameeyey ugu geeriyooday cusbitaalka Guud ay soo kordhaysay muddooyinkan dambe iyo adeeg la’aan caafimaad oo regaadisay cusbitaalka Guud.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise (Xagla-toosiye) oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa beeniyey jiritaanka warkaas oo uu ku tilmaamay dacaayado ay ka dambeeyaan cusbitaallada gaarka loo leeyahay ee magaalada Hargeysa.

HALKAN KA DAAWO WARKAN OO FAAHFAAHSAN