Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka hadashay Guddi-farsamo oo dawladda Kenya u soo dirtay Qiimaynta safaarad dalkaasi ka furanayo Somaliland

SuudiHargeysa (SLpost)- Guddi-farsamo oo dawladda Kenya u Xil-saartay Qiimaynta Safaarad ay Somaliland ka furanayaan, ayaa 23-kii bishan dalka socdaal ku yimi, waxaanay kormeer ku sameeyeen wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ay kulamo kula qaateen masuuliyiinta u sarraysa wasaaraddaas, sida lagu baahiyey warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka wasaaradda Axmed Yuusuf Cilmi.

Guddigan oo isugu jiray xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka socday dawladda Kenya, ayaa intii ay ku gudo-jireen socdaalkooda Somaliland ku qancay dhammaan xog-urursigii ay u yimaaddeen Somaliland, i sida war-saxaafadeedka lagu sheegay.

War-saxaafadeedka oo dhammeystiran, ayaa u qornaa sidan: “Guddidii farsamo ee Kenya ee uu wehelinayay wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Md. Maxamuud Jaamac ee Arbacdii 23-kii April dalka yimi, ayaa shalay 26-kii April dalka ka amba baxay. Guddidu waxay ka koobnaayeen afar ruux, iyadoo ujeedada socdaalkooduna ahayd inay qiimayn ku sameeyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah aasaaska safaarada Kenya ee Somaliland.

Guddidii farsamo ee Kenya waxay booqasho ku tegeen Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland opo uu ku soo dhoweeyay wasiir-ku-xigeenka Md. Mawliid Maxamuud. Muddadii ay Somaliland joogeena wasaaraddu waxay siisay taageero iyo tilmaamid.

Guddidu waxay urursadeen dhammaan macluumaadkii ay u baahnaayeen, iyagoo ku qancay dhammaan waxyaabihii ay arkeen.

Booqashada Guddidu waxay daba socotay heshiis hore u dhex-maray Somaliland iyo Kenya, kaasoo labada dawladood hore ugu heshiiyeen bilaabitaan xidhiidh Diblomaasiyadeed. Hordhac waxay u noqon doontaa in Safaaradda Somaliland ee Kenya noqoto qayb ka mid ah xidhiidh iskaashi ee Kenya.

Weftigu waxa uu la kulmay shaqaalaha Kenya ee Somaliland ka shaqeeya. Abuuritaanka xidhiidhkan waxa uu balaadhin doona iskaashiga dhaqaaale iyo midka farsamo ee laba dawladood.

Kenya waxay ka mid tahay xubnaha ugu muhiimsan urur goboleedka IGAD, sidoo kalena waa cudud dhaqaale, sidaa darteed waxa muhiim ah inaynu la yeelano xidhiidh diblomaasiyadeed oo fiican.”

Si kastaba ha ahaatee, socdaalka weftigan ayaa noqonaya markii saddexaad ee dawladda Kenya wefti miisaan leh u soo dirto Somaliland waxaana ka horreeyey laba wefti oo isugu jiray xildhibaanno iyo siyaasiyiin oo afartii sanno ee u dambaysay wakhtiyo kala duwan socdaal shaqo ku yimi Somaliland.

SOMALILANDPOST,NET