Wasaaradda Arrimaha Debedda Somaliland oo loo Dhisayo Dhisme Caalami ah

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka arrimaha debedda Somaliland Dr Maxamed Cabdiaahi Cumar oo uu  weheliyo Agaasimaha Guud ee wasaaraddaas ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay xarun cusub oo loo dhisayo wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee jsl.

Munaasibadan dhagax-dhigga oo ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiinta hay’adaha usaid iyo iom waxa uu wasiirku ka sheegay baahida loo qabay in wasaarada khaarajiga somaliland ay yeelato dhismo heer sare ah oo u dhigma kuwa dalalka kale ee caalamka, waxaanu u mahad naqay hay’ada usaid oo hirgalinaysa dhismahan iyo iom oo gacan ka siinaysa, waxaanu xusay in dhismahani uu ka koobnaan doono laba dabaq oo laga fulin doono hawl maalmeedka wasaarada.

Dr Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay in mustaqbalka uu ku haminayo in lasii balaadhiyo baaxada dhismaha wasaarada ma adaama ay ka mid tahay wasaaradaha ugu miisaaanka culus ee dalka.

Geesta kalena agaasimaha guud ee wasaarada arimaha dibedda iyo iskashiga caalamiga ah md faysal cali sheekh ayaa tilmaamay si dhismahani uu wax weyn uga tari doono hawlaha shaqo iyo maamul ee wasaarda.

Dhismahan cusub ee loo yagleelayo wasaarada arimaha dibedda somaliland ayaa ah kii ugu horeeyay ee loo dhiso wasaaradan waxaanay tani qayb ka tahay barnaamijka ay dawlada somaliland wax kaga qabanayso bilicda iyo qaab dhismeedka wasaaradaha dalka.

SOMALILANDPOST.NET