Wasaaradda Arrimaha Debedda Somaliland oo Hanti-dhowrka Qaranka ka Codsaday Baadhis lagu sameeyo dhaliilaha musuq-maasuq iyo Maamul-xumo ee Agaasimaha is-casilay u jeediyey Wasiirka Arr. Debedda

Hargeysa, 14 February, 2012 (SLpost)- Wasaaradda Arrimaha Debedda Somaliland ayaa dalbatay in Hanti-dhowrka Guud ee Qaranku baadhis ku sameeyo Wasaaradda si umadda loogu soo bandhigo Eedo musuq-maasuq iyo maamul-xumo uu soo bandhigay Agaasimihii Wasaaradda Md. Maxamuud Raage Ibraahim oo shalay iska casily Xilkii uu wasaaraddaas ka hayey.

War-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Debedda Somaliland, waxa lagu go’aansaday in xafiis Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka uu baadhis ku aaddan dhaliilaha loo jeediyey ku sameeyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

War-saxaafadeedka kooban ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Debedda ayaa u dhignaa sidan:

“Ka dib  markii ay Wasaaraddu wada heshay hadaladii uu bixiyey Mudane Maxamuud Raage Ibraahim Agaasimihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee uu kaga hadlay Maamul xumo uu sheegay inay ka dhacday Warasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxay wasaaradu goosatay talaabooyinkan:

Waxaa la codsaday in xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee Qaranku bilaabo Hubin Xisaabeed iyo Maamul oo looga golleeyahay xaqiijinta eedaynta uu soo jeediyey Agaasimihii hore ee Wasaaradu.”

Tallaabada ay wasaaraddu ku dalbatay in baadhitaan lagu sameeyo ayaa ka dambaysay ka dib markii Agaasimihii Guud ee wasaaraddu uu xilka iska casilay shalay, eedo musuq-maasuq iyo maamul xumona u jeediyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net