Wasaaradda Amaanka Gudaha Maraykanka oo fadeexad kala Kulantay Boqolaal Soomaali ah oo la raadinayo

Texas (SLpost)- Fadeexad ku saabsan boqolaal Soomaali sharcidaro ku galay Maraykanka ayaa la sheegay inay qabsatay Wasaarada Amaanka Gudaha dalka oo hore u beenisay jiritaanka warkaa, ka dib markii la helay caddeymo xaqiijinaya.

Michael McCaul oo ah Xildhibaan xisbiga Dimoqraadiga lagana soo doorto ka tirsan gobolka Texas ayaa cadeeyey jiritaanka 300 sharcidaro ku galay dalka Maraykanka, balse raaciyey inaan war loo hayn meelaha ay ku sugan yihiin, “Ilaa maanta xog lagama hayo meesha 300 soomaalida sharci darada ku soo galay Maraykanku joogaan. Laakiin waan la soconaa inay joogaan dalka.

MaraykanXogo uu baahiyey Top Right News, ayaa lagu sheegay in usbuucii hore ayaa telefishan gudaha ah helay qoraalo ciidanka ilaalada xuduudka Maraykanku qoreen oo tilmaamaya inay jiraan boqolaal Soomaali argagxiso looga shakisan yahay oo sharcidaro kaga soo talaabay xuduudka Maraykanku la leeyahay dalka Mexico.

Caddeymaha ayaa wejigabax ku noqday beenintii hore Wasaarada Amaanka Gudaha Maraykanku uga jawaabtay jiritaanka wararkaa, iyo ogaanshaha goobaha rasmi ahaan dadkaasi wakhtigan ka joogaan dalka Maraykanka.

SOMALILANDPOST.NET