Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Hargeysa Ku Qabtey Kulan Lagaga Hadlaayey Qaabka Ugu Fiican Ee Dadka Rer Somaliland U Gudaan Karaan Wajibaadka Xajka‏

Hargeysa(Hargeysa):-  Wasaaada diinta iyo awqafta Somaliland  ayaa waxaa ay maagalada Hargeysa ku  qabtey kulan lagaga hadlaayey  qaabka ugu fiican ee dadka rer somaliland u gudan karaan wajibaadka xajka  iyo sida looga hor tagi karo caqabadaha soo waajaha xujaajta.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirka wasaarada diinta iyo awqafta Sheekh Khaliil , agaasimaha wasaaradaasi Sheekh Saleeban Siciid Cali , wasiirka wasaarada Cadaalada mr Cadare, wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka , gudoomiyaha ururka dhakhaatirta Somaliland, wasirul dawlaha Madaxtooyada , xildhibaano , culmo awdiin ka soctey lixda gobol ee Somaliland kuwaas oo dadka xajka geeya Iyo qaar ka mid ah madaxda shirkadaha Diyaaraha .

Waxaana ugu horeyn  munaasibadaasi ka Hadley agaasimaha wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Saleeban Siciid  Cali waxaana uu ka war bixiyey u jeedka ay maanta  ay kulanka  u qabteen  waxaana uu yidhi

“yeedhida aanu wasaarad ahaan isku yeedhnay culimada dalka oo dhan waxaa laga hadli doona hal qodob oo laga hadli doono xajka iyo sidii aynu u xaji laheyn iskana wareysan laheyn isla  markaana ay tahay masuulyadii wasaaradan saarneed waxaana aanu u yeedhnay culimadii dadka xajin jirtey dalka oo dhan sababihii aanu xajka iyo arimihiisa aanu iskula eegi laheyn isla markaan aanu ka hor tagi laheyn xalna u sameyn laheyn caqabadaha soo waajaha xujuujta wakhtiga ay gudanayaan wajibaadkaas xajka” ayuu yidhi agaasimaha wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Saleeban Siciid Cali .

Sidoo kale waxaa isna dhinciisa ka Hadley  kana war  bixiyey u jeedka ay wasaraada diinta iyo awqaafta Somaliland kulankan u soo abaabushey wasiirka wasaaradaasi Sheekh Khaliil Cabdilahi Axmed  waxaana u sheegay in uu yahay kulankani  yahay kii ugu horeyey ee la iskugu yimaado lagaga hadlana arimahan maanta laga hadlaayo waxaana uu yidhi

“kulankan aanu maanta isku nimid waa sidii aynu u hagaajin laheyn wajibadka xajka oo ah rukni ka mid ah diinteena Islaamka  isla markaana loo soo gudan lahaa iyada oo laga hor taayo caqabadaha soo waajaha dadka xujaajta ah xilga ay ku sugan yahiin gudashada waajibkaasi saran waxaanan aad ugu mahad naqayaa culimad arintaas gacanta ku heysa ee dadka kaxeeya oo da daal badan sameeya iyo madaxda shirkadaha diyaaraha oo iyaguna qeyb weyn ka ciyaara.

Somaliland ma aha dal la aqoon san yahay  isla markaana ma saxeexno  hishiiska xujaajta dawlada sucuudigu waxay aqoon san tahay dawlada faderaalka ah ee somaliya oo iyadu hishiiskaasi saxeexda balse waa in aynan arintaas  isku haleynin  oo aynu iskeen wax u qorsheysanaa  waxaana aanu halkan iskugu yeedhanay dadkii fikir iyo talo aanu bidney “ ayuu yidhi wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland sheekh Khaliil

Dhinca kale waxaa munaasibadan ka Hadley qaar ka mid ah  culmo awdiinka Somaliland oo ka yimid lixda gobal ee dalka  isla markaana dadka xajka geeya iyo qaar ka mid ah madaxda shirkadaha diyaaradaha waxaana ay wasaarada diinta uga mahad naqeen kulankan ay maanta Hargeysa ku qabtey iga oo xusay in kulankani uu ah mid aad loogu baahnaa