Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Oo Xidhay Muwaadin Is Yidhi laba jeer Qaado kaadhka Diiwaangalinta

Hargeysa(SLpost)- Wasraadara Arrimaha Gudaha Qaybteeda Diiwaan Galinta Madaniga ah waxa ay saaka Xabsiga U Taxaabtay Muwaadin Cabdixakiin Jaamac Maxamed Abokor oo doonayey inuu marlabaad iska diiwaan galiyo Xarunta wasaarada isaga oo hore iskaga diiwaan Galiyey Magaalada Burco Xarrunta Gobolka Togdheer.

Muwaadinka Ayaa Sever-ka Diiwaangalinta Madaniga ah ee Wasaaradu Soo qabtay Kadib markuu damcay inuu marlabaad qaato Card-ka oo uu magic kale ku qaadanaayey waxaana Muwaadinkan oo warbixintiisu hoos ku caday maanta loo taxaabay Xabsiga Dhexe Ee Magaalada Hargaysa. marka Xadhigan Ayaa waxaa Bixiyey Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha

Sidaa Darteed Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Waxay uga digaysaa bulshada ku Dhaqan dalka inay laba jeer qaataan Card-ka Muwaadinka taasi oo ay kala kulmi doonaan cawaaqib Xumo kuna mutaysan doonaan Xadhig Dheer.

760a40f028725d1cec28fde2d8311217_L