Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Oo Ka Hadashay Qaabka Ay Doonayaan Inay Dib Ugu Bilawdaan Wadahadaladii Somaliya Ka Dhaxeeyay

Hargeysa(SLpost)-Wasaarada arimaha dibada Somaliland ayaa ka hadashay inay wakhtigan danaynayaan in wadahadalada Somaliland iyo Somaliya Turkigu uu ka naqdo dhex dhexaadiye halka marka hore uu ahaa fududeeye, laguna soo daro dalalka Norway iyo Ingiriiska.

Waxa sidan sheegay wasiir ku xigeenka arimaha dibada Axmed-kayse waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Anagu mawqifkayaga waanu cadaynay ka Somaliland ahaan inay wada hadaladii sii socdaan oo laga gungaadho, laakiin waxaanu doonaynaa in qaabkii hore ee loo waday wax laga badalo, tii hor dawlada Turkiga uunbaa ku jirtay oo doorkooduna dhexdhexaadin muu hayan ee fududayn ayuu ahaa, markaas hada waxaanu codsanay inay dawlada Turkigu door dhex dhexaadineed ay qaadato, laguna soo daro dalal kale oo aanu codsanay oo Norway, Ingiriiska EU-daba, markaas wada hadalada in laga gungaadho Somaliland ayaa ay daacad ka ahyad.”