Wasaarada Arimaha Dibada Oo Beenisay In Imaaraadku Aqbalay Baasaboorka Somaliland

 

Hargeysa(SLpost)-Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, ayaa beenisay warar ku saabsan in dawladda Imaaraadka carabtu aqbashay baasaboorka Somaliland.

Wasaaradda ayaa sheegaysa inuu socdo qorshe lagu doonayo in dawladda Imaaraadku ogolaato dal ku galka Somaliland balse haatan aanay jirin aqbalaad laga hayo, sidaas darteedna ay been tahay wararka saxaafadda qaarkeed baahisay.

“Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland waxay beeninaysaa warka lagu daabacay qaar ka mid ah wargeysyada dalka, kaas oo tilmaamaya in isku taga imaaraadka carabtu(UAE) aqbalay passport-ka Somaliland,” ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo wasaaraddu ku daabacday boggeeda facebook.

Wasaaradda oo arrintan ka sii hadlaysa ayaa intaasi raacisay “Hanaanka Isku-tagga Imaaraadka carabtu ku aqbalayso Basaaboorka Somaliland wuu socdaa,, haseyeeshee dawladda UAE wali may ansixin aqbalaada Basaaboorka Somaliland.”

Ugu dambeyntii wasaaraddu waxay sheegtay inay qiimaheeda leedahay talaabada Madaxweyne Siilaanyo dhawaan Imaaraadka ugu magacaabay safiirka cusub, Mr Baashe Cawil, islamarkaana haatan labada dal cilaaqaad wanaagsan ka dhexeeyo. Waxaanay iska kaashadaan dhinacyo badan oo horumarinta ah ayaa lagu yidhi warbixinta kooban ee wasaaradda khaarajiga.