“Wasaarad Aannay Miisaaniyadda Sanadka Wax u Kordhini Ma Jirto ” Wasiir Samsam oo Odoroska Miisaaniyadda 2016 Horgeysay Golaha Wakiillada

 

 

Hargeysa(SLpost)- Kalfadhigii maanta u furmay golaha wakiilada oo uu shir-gudoominayey Baashe Maxamed Faarax ayaa warbixinta odoroska miisaaniyad sanadeedka 2016ka ka dhagaystay wasiirka maaliyadda.

 

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan ayaa miisaaniyadda sannadka 2016ka oo dhan 295 milyan golaha wakiiladda hor keentay. Wasiir Samsam waxa ay golaha wakiilada ka hor jeedisay khubad faahfaahinaysa miisaaniyada sannadka 2016-ka iyo inta ay ka badan tahay miisaaniyaddii 2015-kii. Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa ay sheegtay inaanay miisaaniyaddani ku iman cashuuro la kordhiyay laakiin ay ku timid hab qaadistii cashuurta oo la hagaajiyay. Wasiirka wasaaradda maaliyada Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa hore golaha wasiirada u gaysay miisaaniyadda 2016ka oo la sheegay inay tii sannadkii hore farqi badan oo badnaashe ka dhexeeyo.Miisaniyaddii sannadkan 2015ka oo ahayd 250 Milyan.

 

“Caruur lama kordhin, miisaaniyadda sanadkan waxay ka dabaqaysaa in la xoojiyo cashuurahaa berriga iyo in dib u habayn lagu sameeyo xeerarka shanta ee idinla yaala(Golaha) ee aad anshixin doontaan. Markaan eegni dhallinyarada waxaannu xooga saarnay sanadkan in la sameeyo garoomo badan oo ay dhallinyartu ku ciyaarto. Waxa kale oo miisaaniyadda ku jirta in gobolada dalka ay wasaarado badani ka dhistaan xafiisyo.

Waxa kale oo aannu sanadka miisaaniyadda ku qaabaynay in qaabka gobolada ay wax u gaadhaan oo aannu ku talogalayno in ay toos u gaadhaan gobol walba wixii loogu talagalay.

 

“Waxa kale oo sanadkan ku jira in waddooyinka wax laga qabto. Dawladdaha hoose ayaa iyagna ku jirna. Marka duuduub ahaan loo eego Wasaarad aannay sanadkan wax u kordhini ma jirto” ayey hadalkeeda ku soo koobtay Marwo Samsam iyada oo sheegtay in ay ku jeedin doonaan si waadax ah oo tifatiran.