WARQAD KA TIMI SOMALILAND: (Tarjumaadda iyo Falan-qaynta Maqaal uu Qoray Wariye Michael Wrong)

Tarjumidda Maqaalka Wrong

“Ayaan Maxamed waxa ay ka mid tahay dadka soo qabanqaabiyay Bandhiga Buugaagta ee Calaamiga ah waxaana leedahay nuglaansho dumarnino oo xadiid ah, way walwalsanayd  markii loo gu yeedhay masraxa ee joogeen qoraayo reer galbeed ah oo yimi iyagoo u aabo yeelin digniinihii safarka {dowladdoodu siisay}, ilmo ayay isku hayn kari wayday waxay tidhi “ waan ku xumahay waa arrinta qalafsan marka adduunku daba kuu soo jeediyo “ iyadda oo yaysa ayay tidhi.

Kalmadda “daaduun” ayaa maskaddaa ku soo dhacaysa  markaad Somaliland timaaddo, waana wadan aan jirin gabi ahaanba, 22 sanno ee ina dhaafay waxay maxmiyaddii biritayn sugaysay in aduunku uu soo eego iyagoo ka duwan Somaliyadda la jaarka ah—Somaliyadda qabqablayaasha dagaalka, Somaliyadda Dhacdaddii Shibirkii Madoobaa Ee La Soo Ridday( Helikabtar la ridday baa loojeedaa), iyo Somaliyadda AlShabaab—Somaliland waa nabadd, sharciga ka shaqeeyo, waana  dimoqraadi, hubaal waxa ah ujeedda la gaadhi doono tan dadka iyaga isagu sheekeeya , markaa qarannimadda Somaliland la aqoonsaddo, dawladda waxay amaah ka qaadan doontaa Sanduuqa Lacagta iyo Baanka Aduunka si ay u dhisato kaabayaasha dhaqaalaha ee uu baabiyay dagaalkii sokeeye.

Indho ka lalin iyo iska indhotirid taxane ah ka dib, xaniinyaha ayaa  laga dhuftay laag ama haraati  markii shaac ka qaadistii Barclay Baank dhacday— isaga ka walwal san sharciga  lacag maydhidda sheegayna inuu damacsanyahay inuu xidho boqolaal xisaabo  oo xawaaladdeed oo ah xidhiidhka lacageed ka dhaxeeya qurba joogta iyo eheladdooda dalka ku sugan.

Somaliland ma laha bangiyo, NGos sida Oxform waxa isticmaalaan xawalaadda si mushaharka usiiyaan shaqaalahooda.” Waxaanu helnaa 400 milliyan oo dollar oo ah xawilaadd ah, qoysaska ayaa lagu biilaa, laakin waxa kale oo ay kabtaa dhismaha cusub iyo waxaan ku bixinaa soo dajinta alaabta” Cali Siciid Shire wasiirka qorshaynta “ haddii xawilaaddo istaagto, waxanaya naqabsanaysa dhibaato “ waa inuu ogaado sabato oo ah waxuu ka soo shaqeeyay  ta ugu tunka wayn xawaladdaha.

Somaliland maaha dalka kaliya ku yaala Badd Cas dhibaato ka soo gaaydhso haddii Barclay Baank uu rumeeyo balanqaadkiisa, marka laga eego waxa dhacaya wadanka, waxay talaabaddani u muuqanaysaa in si naxariis darro ah loo gu beegay xiligan. Neecawda caasimadda hargaysa ka dhacaysa, labadda hool ee laba hudheel ugu waa wayn waxay la ciirciirayaan qurba jog ka soo noqday Sweden, Canada, Britain iyo Italy oo fasaxa uga faaidaysanaya dib ugu laabtaan asalkoodii laakin qaar kalane way maalgashanayaan waanay joogayaan. Xurumaha jimicsiga, kafateriya casri ah, iyo xafiisky ku dhex yaalaa dowr dabaqa ah oo qaruurad oo ku ag yaala maasijyadda nuuradaysan baa soo badanaya.

Bandhiga Buugaagta Ee Hargaysa waxa uu galay sanadkii lixaad, korna wuu usocdaa, qoraayo farabadan iyo shirkadda-kifiileed waa wayn sanad walba aya soo jiitaan. Waxay kiyaamaadeen Nigeria, Djibouti, Kenya, Italy iyo the UK sanadkan. Safirirka Biritayn u jooga Somalia wuu yimi isaga noqday marti lala yaabay wuu soo dhex istaagatay isaga oo hareeraha ay ka socdaa laba askari oo dhididsan oo ilaalinaya. Imitikinkiisu waxa uu astaan u yahay  mowqafka ee munaafaqnimidda ah ee  beesha caalamku ku hayso Somaliland.

Inaga oo og tabanaanka sanno ee lacagta ku la dul kufeen Muqdishu iyo dadaalka diblamaasiyadeed ay galiyeen dowladdahii shaqayn waayay kuwaas ahaa inay ka soo mideeyaan wadanka(somaliy) xaga mugadisho, deeq bixiyayaashu waxa ka caga jeedayaan inay majixaabiyaan howshooda, taasina waa in aanayn sidaa ula muuqanbaa qof daba ka jooga arinta, waxay ku doodayaan in lagu baaqo in dib loo eego xaduudihii isticmaarku ka tagay Somaliland waa waajib anay aqoonsadaan African Union, laakin waa hayad fadhiid ah oon lagu  aqaan dalabooyinka dag dag ah.

Runtii deeq bixiyayaashu Somaliland wax bay u tuuraan, Britain iyo Denmark waxay meel saaraan 55 milyan dollar uga tala galaan Sanduuqa Horumarinta Somaliland, taaso kidhigan miisaaniyad-kabid iyaddoon aqoonsi jirin, laakin adduunyaddu Somaliland waxay u aragtaa maar (ama iftiin) ku dhexjira xaaladda qasan oo jecil yihiin asal raacnimadda Islamiyiintu kuu waasoo ku hayo dhibaato wayn, soo qaado mashariicda kaabayaasha dhaqaalaha oo kale.

Itoobiya waxay aad u rabtaa inay isticmaasho dagadda berbera, waxay dhistay waddo xaawaare xooga lagu socon karo oo gaadhisiisay xadka ay la la wadaagto Somaliland, laakin Somaliland dayn caalami ah ma heli karto wadcigeeda awgeed, sidaas darted ilaa hadda waxba kama qaban dhiniciidda.

Dagniinaha safarka mihim maaha ku qor “ Somaliland” saytka  xafiiska arrimaha dibadda ee la tarinta safaradda, wax ma helaysid waa eber,Somaliya raadi, waxa kuu soo noqonaya “ waar ka jog “ khatar wayn oo argagaxiso iyo afduub” .

Waa ii daqoniimo inaan yaraysto khatarta al shabaab, marka la eego dhawaanshooda , laakin fal argaxisa ahi waxa ugu danbaysa Somaliland 2008, si ugu hortagaan arrinta inay dhacdo mar kale, waxa lagu raacinayaa police kuwa usocda meel ka baxsan caasimadda. Marka la ga yimaaddo waxan oo xanaanayn ah iyo koolkoolin iyo xaafayad ka baddadlid, dalxiisayaashu waa xaar nabiri ay adagtahay inaad ku aragto wadooyinka caasimadda si dadka dagani u salaamaan iyo in sawir ku lagalaan iyo inay waydiiyaan sideed dalkooda u arkaan.

Maxamed Yusuf Guray {billionaire ganacsadde ah ama  rafiiq xariiri Somaliland ah ahn aabihii saliidda}waxa uu aaminsan yahay in ugu danbayntii dadka faraha ka qaadeen ( aqoonsigii) isdhiibidna timid iyaddoo la socoto ku adkaystaan in ay iska noolaadaan “ waxa jiray xili aanu u haysany mashkiladda kali ah ee na haystay inay ahayd aqoonsi la’aanta , laakin hadda anaga faraha  ka qaadayn aqoonsigii haddana iyo madaxbaaniddayadda, waxaanu u leexanay wax ka qabashadda mashaalkilka  kale ee wadanka ka jira sida dhaqaalaha waxa ka qabashadiisa oo kale”.

Wiigii ina dhaafay, waaqicnimaddaasi way muuqatay markii madaxwayne siilaanyo dhinacyadda iska taageen police da’da yar madaxa falaawir ku xidhan uu dib furay madaarkii caalamiga ah eee hargaysa. Ranwayga daamurka cusub la saaray waxa ag yaala raqdii dayuuradiihii ku cashariyay masaa-iibka duuxa hoose ( madaarka huustiisa) dadka cadaanka ahi ku dhex jira dhgagaysataayaasha  way yarayeen ilaa xad laakin hangarka calanka lagu xardhay  wax mudnaa mush xaradda, iyo iskaa-isugu tahniyaddayn iyo arin lagu qoslo

Majaajilaystayaasha waxay soo bandhigeen ruwayad qosol leh oo ku saabsan mowduuca horumarinta waxa halku dhag u ah filimkooda “wax qabso way imane”

Waxaa turjumay Abdirahman Mohamed Dirye si ula wadaago xogtan akhristayaasha somalidda ah haddii wax  si kale u turjumi lahayd  ama feedback ku soo hagaaji pls email me: mrdirye@gmail.com

Addendum (Siyaado iyo Falanqayn)

Sawirka mugdiga ee sawiray Michael ee ah Somaliland qar usaarantahay burbur miyaad wafaaqsantahay? Waxaan la hadlayaa dadka wax qora, marka waxa la qorayo lama yidhaahdo waa qurux badan baan ahay  ama waan dumayaa laakin waxa luxusaa waxa keena waxaas? You see? Micheal waxa isticmalayaa  vivid description of where we are today, bal eeg phrase kan received kick to crotch xaniinyo ka laadis, haddii xaniinyaha lagaa laado ma dhili doontaa? Waa maya sawirkani waxa  uu muujinayaa in dunnidda Somaliland u dhamaysay inaanayn dhilin, maaha hawiye ama Somalia ama anigu inaan sidaas idhi. Hay isku dayin inaad leexiso arrinta qoraaga ajanibaga ahi qoray ee aan turjumay. Ma uma laynaysaa in dhagawayne iyo xasan ciise jaamac ay ka ahayd golaha toosinta niyid sami iyo isku daygii ugu danbeeyay la gu bad baadin karayay Somaliland? Somalia 1991 dhisme ayaa ka socday laakin haddana way duntay xiligiisaa SNM way wiiqantay qabyaaladd awgeed? Maxaad u malaynaysaa maxamed yusuf guray galiyay malaayin dollar sahan ka saliidda in uun ujeedo marka uu leeyahay “ certain national resignation finally sets in….,” maxaa ku kulifay yuusf in sidaas yidhaahdo? ha odhanin reer qudhac weeye ? That is nonsense ? maxaad u malaynaysa qoraagu  ugu ujeedo “nannying” nanny waa gabadhadda caruurta korisa ama xafaayadda ka badasha, maxaa ugu jeedaa Africa union ha aqoonsatto ayaa loo sheegay, inkastoo African union aan lagu aqoon talaabooyinka noocaas, maxuu inoo sheegayaa in la yidhi utaga African union haddana yidhaahdo Africa union waa fadhiid “The breakaway state of Somaliland mu­st first be recognised by its peers in the African Union, not an organisation known for swift action”. Waxan oo kale afgiriska waxa loo yaqaan Catch-22 waa wax mustaxiil.

Halkaynu ka bilownaa haddii sidan xaalkun yahaysi  aynu qaran u noqan lahayn haddi sheegaddu halkaa taagan tahay? Xisbiyadda ayay dhagaysanayaa ? aniga waxa u muuqda Somaliland in ay waxii raadinaysa uu noqday elusive.

Matt Bryden, oo ahaan jiray dadka u dagalaamaya Somaliland ayaa qoray in Somaliland noqotay meel reer galiya isku bad badalo si da dhaxal qoleed “ waa doorkayagii..” waa slogan ay ku yimaadeen reerka maanta jooga, Habaryoonis u shirtay, Sacad Muuse-na u fadhiyo iyo qaar kale badan.

Ma iswaydiisay maxaa ku dhacay Dr. Pharma oo Somaliland US congress ku wacdi jiray in la aqoonsaddo iska dhaaf qoraal tageero ah oo qore, hadda maxaa ku dhacay ? isna riyaale ilmaadeer ahaayeen malaa ? maxaa ku kalifay a Michael the writer of “ letter from Somaliland yidhaahdo” “Surely the penny would drop, locals told themselves,” afsomali “ hubaal ahaan marka ujeeda (aqoonsiga) la xaqiijiyo ama la gaadho, iyaga uun baan isu sheega …., ilaa dhamaadka santaniska. Maxuu uga jeeda iyaga uun baa isusheega

Haddaad u haysato in ajaniba wax kaa qoraa ay tahay arrin basiid waxaad eegtaa dowladda waa wayn lacagta ka baxda waxa loo yaqaan PR ka google garee. Wasiir xirsi ayaa marka uu arkay in lama huraan tahay 90,000 dollar ku kireeyay city press journal bishii kali ah ka dib cagajiid badan.

Dadka akhriya maqaaladda aan qoro waa sadex qaybood oo kala duwan aniga ku salaynay xigmaddan ajanibga qoreen ee soosota:

1) Small minded people discuss people (they talk about me not the article content itself) dadka ku mashquula

2) Moderate minded people discuss events (I am in this category) dadka dhacdada ka dib wax garta

3) Great minded discuss ideas / intelligence journalism / dadka  arrimaha waa wayn ka hadla oon hadda jirin sidaa the late President Egal iyo late Abdilahi Yusuf who refused to give in to bigotry and fought against the murderers  in Bosaso around 1992

Anigu waxaan toosaa marka waxii dhacaan ka dib, adiguna? Be honest and fair with yourself ?

Try to know which class you belong to before it is late.

Halkan ka akhri iyadda oo English ko qoran: http://www.deccanchronicle.com/130904/commentary-dc-comment/commentary/letter-somaliland

God bless Somaliland