Warqad Furan Oo Ku Socota Madaxweyne Siilaanyo

Marka hore waa waajib in aan ku salaamaa Madaxweyne , bacda  salaam waxaan ku kalsoonay in aan tahay ruugcadaa siyaasiya oo ummadu  dooratay, waxaanse rabaa in aan hawada kuu mariyaa  wixii aan nasteex mooday, maadaama  oo aan ku arki waayay sidii ina Raage( aagaasimihii wasaarada  arrimaha dibeda).

Mudane Madaxweyne waxa aad  ballan qaaday dawlad tayo leh   oo kooban, waxayse u muuqataa in   ay noqotay dawlad bilaa tayo ah, taasoo dabooli kari waday baahidii ummada Somaliland. Madaxweyne ummadu way soo dhaweysay  xil ka qaadistii iyo isku shaandhayntii golaha wasiirada , balse waxa la iswaydiinayaa kuwa hadhay  maxaa loo reebay? Ma qabiilka Madaxweynahaa, ma guulwadayaalbaa, ma been  ma sheegayaal baa?

Haddaba Madaxweye sidii lagaaga bartay  ayay ummadu kaa sugaysaa , Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa caano daatay dabadood la qabay soo celi kalsoonidii ummada, oo qaad talaabo lagu badbaadiyo sumcada iyo Qaranimada Somaliland. Si aan uga badbaadno wixii ka dhacay dalalka  Tunsia, Libya, Masar iyo qaar kaloo badan.

Allaa Mahadle

Guddoomiyaha  ururka Af-garad ee Somaliland.

Axmed Maxamuud Cali ( Shiine Gaashaan-cade)

Tell 002522 4419500