Warqad Furan Oo Ku Socota Madaxweyne Siilaanyo

Mudane Madaxweyne waxaan kuusoo dirayaa Salaan  Maamuuskeeda iyo Meeqaamkeeduba aad u Sareeyo , Shacbiga Somaliland waxay kuu codeeyeen 26-Jun 2010  iyadoo codka kalsoonida ku siiyey %51 islamarkaana kaaga hiiliyey  Madaxweynihii kula tartamaayey ee Daahir Riyaale Kaahin , Shacabka Somaliland  ayaa makhraati ka ah inaad dalka ka samaysay Isbedel iyo horumar balaadhan, balse waxaa lama huraana in qabyaaladii oodaha soo goosatay oo si weyn loo buun buuniyey aniga oo aan halkaasi ku dheeraynayn  sidoo kale waxaa jira god daloolooyin badan oo dawladu leedahay balse aadamaha iyo xukun kastaba ayey dabiiciisa tahay inuu dhaliil lahaado.

Mudane Madaxwene Axmed Maxamed Maxamuud Aadan  sidaad ka war qabto Xisbigii kula tartamaayey ee loo yaqaanay UDUB mar keliya ayuu Saaxada Siyaasada ka baxay, waxaana dumiyey  loo tirinayaa hogaankii Xisbigaasi oo ahaa Daahir Riyaale , Maanta waxaad tahay Hogaamiye dalkan soo Xukumaayey oo Majaraha usoo hayey  Shan Sano iyo Saaid, Mudane Madaxweyne waxaa biyo kama dhibcaana oo marag  ma doona hadii Xisbigaa kulmiye ee aad hore u shaacisay inaad Murashax ka tahay mar labaad sharciguna kuu ogolyahay balse wararka bulshada loosoo gudbinaayo ee ay soo gudbinayaan dadka adiga ku xeeran ay sheegayaan inaad Tanaasushay hadii ay jiraan Bulshada Somaliland horta waa u ayaan daro sababtoo ah  Dalka iyo Xisbigaa kulmiye waxaa u bad baado ah laba shay miduun kuwaasoo kala ah  kow inaad adigu marlabaad hogaanka u qabato  sidaasna lagu bad baado oo duruufo badan lagaga samata baxo,  ta labaad oo ah hadii ay wararkaa la sheegayaa dhab yihiin inaad Xisbiga kulmiye  noogu dhiibto ninka dadku maanta u arkaan Hogaamiye Wanaagsan Dabadaa ninkaasi oo la kowsaday Xukunkaagii sida bulshadu qabtana abaal badan kugu leh  hadana kamida Golahaaga Wasiirada islamarkaana ah siyaasiga keliya ee maanta Dadka reer Somaliland kalsoonida ku qabaan dalka iyo dadkana lagu aamino karo , Mudane Madaxweyne waxaanu si sharaf iyo ciso leh kaaga codsaynaa inaad Xirsi Cali Xaaji Xasan  nooga dhigto Murashax waa hadii aanad sharaxnayn adigu,  Xisbiga Kulmiyena noqdaa mid loo siman yahay  codka Golaha Dhexe.

Hal-door: Nuux Shire 
Hargeysa-Somaliland