Warqad furan oo ku socota Madaxwaynaha JSL – W/Q: Mohamed Hassan

27-07-2010 waxa ay ahayd maalintii aad madaxwayne xilka sida tooska ugala wareegtay madaxwaynihii xilka kaaga horeeyey ee daahir rayaale kaahin , adiga oo bilaabay dardartii madaxwaynenimo qalikana u qaatay sidii aad dhidibada ugu taagi lahayd,u bilaabi lahayd amaba aad kow ka odhan lahayd balanqaadyadii aad sideeda sano soo balanqaadayseen ka xisbi ahaan iyo ka madaxwayne ahaan ee ka midka ahaayeen

  1. Soo dhisida dawlada tiro yar oo tayo badan
  2. Kor uqaadida dhaqaalaha dalka
  3. Ka midho dhalinta hamigii 20 sano shacabwaynaha soomaaliland ku hamiyiyeen ee ah inay mar uun beesha caalamka ka mid noqdaan

Iyo qaar kaloo badan oo ku xusan buuggii uu xisbiga kulmiye olalaha doorashada ku galay ee aad ku qorteen waxqabadka dawlada haatan ee aad adigu madaxwaynaha ka tahay

Hadaba waxa aan wax la iloobi karo ahayn tahayna in mudnaantiisa lasiiyo hal shay oo bulshada Somaliland ku dhaqan tabayaan oo ah xil aad ka dhawaajisay aadna ugu wada riyaaqeen caalim iyo caamaba oo ah inaad magacawday masuul kuu qaabilsan sakada iyo soo ururinteeda oo ka mid ahaa raxanihii wasiirada,agaasimeyaasha ,gudoomiyeyaasha iyo xoghayeyaasha isugu jiray ee aad magacawday tan iyo intii aad xilka aad haysay oo haatan laga joogo 2sano,Balse haatan aan ka dhex muuqan masuuliyiinta dawlada ee haatan shaqeeya

Hadaba waxa ay bulshada soomaaliland ku dhaqan gudo iyo dibadba,caama iyo caalimba is waydiianayaan waxa ku dhacay xilkaas oo ahaa ka guud ahaan iyo gaar haan ina anfici lahaa if iyo aakhiroba hadii sidiisa loo fuliyo .

Intaa ka dib mudane mdaxwayne horta waxaad tahay masuulkii ugu horeeyay ee xilkan oo kale magacaaba amaba bilaaba shaqadan amaba xilkan oo ah tiir ka mid ah tiirarka ugu waa wayn dawladaha islaamka ah aniga ogaalkay laakiin  bilaabitaankaagu mawaxa uu ku eekaa oo kaliyaata

  1. Inaad ka dhabayso maahmaahdii Soomaalida ee ahayd ‘waxba haw qaban ee qawda maqashii’ ileen waa tii tu kale ahayd Somalidu been waysheegtaa laakiin been ma maahmaahdo
  2. Inaad iska jeediso indha shacabkii ku doortay aa aad kuugu fiirsanaya kaana sugaya  waxa aad ugu abaal gudayso

Mise mudane ujeedad kaalinta muhiinka looga dhexwaayey masuuliyiinta haatana kula shaqeeyaa waa

  1. Waxa aad shacabwaynaha JSL ka dhex wayda qof u qalma kaalintaa marka laga reebo sheekhii hore ee ka cudur daartay
  2. Mise dadkaa hore u agaran waayey oo waad lanoqotay inlaan waa xil hore oo aan jirine
  3. Mise waad soowadaa oo waanu kaa dagdagnay inkastoo waxla raajiyaa rag ku samayn

Gebagabo

Mudane madaxwayne horta xilkaa aad qaaday ilaahay haguu fudaydiyo nin xil qaaday eed qaadaye.

Mudane madaxwayne aniga oo ku hadlayo magaca cidkastoo danta caamka ah jecel danaynaysan jiritaanka s\land isku daya inay tilmaan saliim ku kor dhinayaan masuuliyiinta ay xilka ay u dhiibtaan waxa aanu si sharaf, naxariis, ixtiraam iyo waliba qdirin ku jirto kaaga codsanaynaa in aad soo magacawdo kaalintaa amaba jagadaa aad marka hore magacawday ee uu ka cudurdaartay sheekhii ama masuulkii aad jagadaa u dooratay

Wabilaahi tawfiiq                                                                  

Ramadaan kariim

Qalinkii:  Mohamed Hassan Mouse 

Hargeisa University Senior Student

Tell: 4228940                             

E-mail: Mohamed.hass01@hotmail.com