“Warka xumi haddii uu bulshada ku dhex faafo ama beeno la Sameeyo,Wuxuu qofkaasi ka dhigan yahay nin Sameeyey Virus Dadka…” – W/Q: Ceelaabe

Warka xuni haddii uu bulshada ku dhex faafo ama beeno la Sameeyo,Wuxuu qofkaasi ka dhigan yahay nin Sameeyey Virus Dadka kuwada faafi doona kana Qabsan doona Maskaxda,Kuwaasina wey isa sii dhaafin doonaan oo kuwo kale Ayey qaadsiin doonaan,Dadka Xun ama ay ka Qabsato Qoraalada Naceybka iyo kala fogaanshaha Abuurayaana waa Virus Maalin uu dhiman doona.Waxbaa marka lagu sheego ku Khalkhaliya kuguna beera Cadho ama Cuqdad buuxda oo aan kaa baxeynin.si aad taasi uga badbaado waa in aad ka fiirsataa waxaad Akhrido ama dadka aad Aragtiyahooda Akhrisato ama ku xidhan tahay oo aanad wax kasta xiiseynin ama Dhageysanin.Sida Virusku u faafo Ayaa wararka iyo Qoraaladuna u faafan been ama run ku doono ha Noqde.Sidaasi oo kale Ayaa ay u Jiraan dad wanaaga ka shaqeeya ama faafiya iyo kuwo Xumaanta iyo Isku dirka dhiirigeliya.Bulsho badan Ayaana u nugul oo ku xidhan qaadashada iyo la socoshada hadba wixii dad kale u sheegaan ama Wararka Saxaafada iyo Baraha Internetka la soo Dhigo kuna go,aan qaadata.Taasi Macnaheeduna maaha in wax kasta Khaldan yahay waxaase yar Dadka dhab ka hadalka ah.

Erayga Virus mar waxa loo Qaadaya dhinaca Cudurada oo wuxuu Noqonayaa Jeermis il ma aragtey ah oo cudurada keena.Inta badana weynu Maqalnaa,Laakiin Mar kale oo aynu si weyn u maqalno  ugana hadalno Ayaa Jira waana Marka uu Computerada iyo Aaladaha Technology inaga galo ama Khalkhaliyo qaarkoodna Fadhiisiyo wax loogu yeedho Virus.Barnaamij computer oo la sameeyey Isla markaasina Awood u leh in uu Fadhiisiyo,Khalkhaliyo,kuna faafo Qeybaha kala duwan ee Data ku Jirto waxyeelana uu geysta Ayaa Virus loogu Yeedhaa.

Virus isku Mid maaha,iskuna Awood maaha,Iskuna Magac maaha,waaney kala Duwan yihiin.Waxa Jira kuwo laga hortago inta aaney kugu faafin ama Waxyeelo u geysan Shaqada ama masaxin ama Lumin.Halka qaarkood isla markaasiba u badalaan wax aan la Akhriyi karinba.

Marar badan Ayaan arkey iyada oo Xafisyada ama qof shaqeeya ka cabanaayo Virus  Waxyeelo u geystey Warbixin ama Shaqo u socotey.Arintaasi oo mararka qaar Qofka ku sababta Naxdin iyo argagax marka uu waayo ama ay burburto Macluumaadkii shaqo ee uu ka Masuulka ahaa.Khakhal ah in uu Qariyo,qaarkoodna furi waayo ama Lumiyo Ayaa lala kulmaa.Wuxuu soo galaa Flashta,External Harddisk,Computer,Laptopks,Mobiles intaba.Waxaana inta badan laga qaada iyada oo qofku ku isticmaalo Flash ama qalab kale Internetka suuqa oo aan inta badan laheyn Antivirus isla markaasina ku wareejiyo Laptopks ama computer kale.

Waxa lagu soo Qariyaa, Shekabadaha qaarkood aad furto,Waxa uu la socdaa, Downloads  ama Vidoe daawasho ah,Waxa kale oo inta badan laga Taxadiraa in aad isku Furto E-mailka lagu soo Diro ee aanad garaneynin iyada oo la soo Adeegsado magacyo qof aad garaneyso.Culeys,Cabasho iyo Burbur Warbixino Ayuu sababaa marka uu Computerka soo galo,Haddii uu ku raago ama laga gaadhi waayo Muddo ka dib waxa sii badanaya Dhibtiisa marka danbena wuxuuba Fadhiisin karaa Shaqada dhamaanteed.

Qof kasta oo leh Computer ama Laptop wuxuu ka ilaalinayaa Virus,Wuxuuna Update ku hayaa waa Virus,Wuxuu intaa Scan ku wada ama Computerka ka saaraya ama ka nadiifinayaa Waxyaabaha khatarka ku sababaya ee soo galay.Dad badan Ayaa aan laheyn Antivirus oo Computeradooda ama Laptops uu ka diley Virus degay oo Ku balaadhey.Marka laga Hadlaayo Virus waxa ka soo Horjeeda Antivirus oo ah isna Barnaamij computer oo lagula dagaalamo ama Awood u leh in uu Computerka ka saaro kana tirtiro wixii Khatar ah ee ku Jira ama soo gala sida Viruses kala duwan.Waa barnaamij baadha,ka hortagana ilaalayana kaaga noqonaya wixii khatar ah ee kaaga iman doonta Virus.

Aduunyada waxa Sannadaha qaar ku soo baxa Viruses Awood badan oo magacyo khatar ah leh,Isla markaasina Computers Fadhiisiya,Waxaanan Maqli Jirey Virus magacyadooda loo bixiyey Siyaasiyiin caan ka ah Africa.Dhinaca kale waxa Jirta dad Weerar ku qaada ama jabsada ama virus ku Fura E-mailada shirkadaha,Madaxda siyaasiyiinta ah iyo sidoo kale Shebekadaha wararka baahiya oo ku keenta Khakhal ama wixii in uu hawadaba ka baxo.Waxaanad mararka qaar ka maqasha Bar kulanka shebekadaha iyada oo la sheego in isku day Virus uu ku socod lagu khakhalinaayo ama la rabo in lagu burburiyo.Waxaase Su,aal Meesha ku Jirta ah Waxaan sameynayaa Barnaamij ku khalkhaliya oo Virus ah,Haddana aniga Ayaa soo saraya Anti-virus aad kaga hortago,oo marka hore maxaad dadka u khalkhalineysaa ama kugu wata Mise waa ganacsi iyo Shaqo.Isla ninka Viruska sameeyey Ayaa Antiviruskana sameynaaya.

Wakhtigan waxa Jira Anti-Virus Aduunyada caan ka ah oo la Isticmaalo.Kuwaasi oo Qaarkood si dhameystiran looga iibsado Dukaamada Qalabka ama agabka computerada iyo Technologya,Halka kuwo kalena laga soo Shubto ama helo Free Download internetka.Inta badan Dadka Isticmaala computer waxa ugu Jira kspersky,Norton Antivirus iyo kuwo kale oo ay Internetka ka helaan sida Microsoft Security Essentials ama Smad. Erayada Joogtada ah Ayey ka mid noqdeen,Virus, Antivirus, Scan, Update, Install, Download.

Virusyadu Magacyo guud iyo Qeybo kala duwan Ayey leeyihiin,Kuwo kastana waxa loogu talo galay in ay Si gaar ah wax u dilaan,hase ahaate inta badan inagu waxa aynu khaati ka Joognaa kuwani,Malware includes computer viruses, computer worms, ransomware, trojan horses, keyloggers, most rootkits, spyware, dishonest adware,

 Waa  Qeybaha Viruses u kala baxaan

  1. Trojan Horse:
  2. Worms
  3. Bootsector Virus:
  4. Macro Virus:
  5. Memory Resident Viruses:
  6. Rootkit Virus:
  7. Logic Bombs/Time Bombs:
  8. Polymorphic Viruses:

11 Ways to Prevent Computer Viruses………..Internetka Google ka raadso.

Abdifataah Mahamed Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com