Wariye Soomaaliyeed Oo Maydkiisa Laga Helay Xeebaha Masar, Ka Dib Doon Tahriib Oo La Qarqoontay

Qaahira, (SLpost)- Wariye ka tirsanaa warbaahinta Soomaalida ayaa maydkiisa laga helay xeebaha dalka Masar, ka dib markii doon ay ku tahriibayeen isaga iyo dad kale ay ku gedoontay xeebahaas.

Wariyahan oo magaciisa la odhan jiray Cabdicasiis Al-caddaala ayay wararku sheegayaan inuu dhintay ka dib markii doon tahriibeyaal ah oo ay saarnaayeen ay la dhacday, waxa kale oo la helaymaydka laba qof oo kale oo u dhashay dalka Suudaan.

Wariye Al-caddaala ayaa kazoo shaqeeyey telefishanada Soomaalida ee Royal iyo Kalsan. Sidoo kale waxa uu ka shaqeyn qaar ka mid website-yada Soomaalida.

Wararka ayaa intaas ku daraya in mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar ay xukuumadda dalkaas ka codsatay in lagu soo wareejiyo maydka weriyaha geeriyooday si jaalliyada Soomaalida ah ee halkaas ku nooli ay u aasaan.
Dhinaca kale, ciidamada dalka Masar ayaa xabsiga u taxaabay 120 qod oo Soomaali ah, kuwaasoo la sheegay inay doonayeen inay ka tahriibeen Masar.

Somalilandpost.net