DAAWO SABABTA:Wariye S.Maazim Axmed Cawale Oo Lagu Cunsuriyadeeday Warar uu kasoo diray xisbiga Ucid, isla markaana ku dhawaaqay in uu ka tagay gabi ahaanba shaqadii warbaahinta dawlada Somaliland

*Waxa aan door-biday in aan idiin fasiro sababta kaliftay in aan ka tago Guud ahaan shaqadii aan ka hayay warbaahinta dawladu leedahay ee Tv-ga qaranka Somaliland iyo Radio Hargeisa. *

*Sababta ugu weyn ayaa ah in laygu cunsuriyadeeyay warar aan ka diray guddoomiyaha iyo madaxda  xisbiga Ucid oo ka qayb galay shir caalami ah oo ka dhacay dalka Turkiga kaasi oo Somaliland u ahaa fursad dahabi ah waxay ahayd goob si weyn loogu maamuusay Somaliland oo magaceedu uu la sinaa dalalka kale ee aduunka ee shirka ka qayb gallay*

*“Ma garan karo sababta xisbi qaran oo guul taariikhi ah soo hooyay oogu diido tv-ga qaranka isla markaana aniga oo warka tabinayay ay masuuliyiinta tv-gu gaar ahaan maareeyuhu uu ii eersado xisbi qaran oo Somaliland ah”*

*Sidaa daraadeed maanta laga bilaabo waxan ka iska casilay dhamaan hawlihii aan ka hayay warbaahinta dawlada gaar ahaan tv-ga Qaranka oo
noqday goob aan laga sheegi karin guulaha umada ee ay soo hooyaan asxaabta Qaranku*

Istanbul (SLpost)–Weriyahii gaarka ahaa ee madaxweynaha Somaliland Siciid Maasim Axmed Cawaale isla markaana ka mid ahaa haldoorka telefishanka iyo idaacadda qarranka Somaliland  ayaa maanta ku dhawaaqay inuu gebi ahaanba iska casilay shaqadii uu ka hayey
wasaaradda warfaafinta iyo telefishanka afka xukuumadda ku hadla ee SLNTV, isagoo qoraal uu goor dhawayd warbaahinta u qaybiyey Mudane Maasim ku sheegay in madaxda wasaaradda warfaafintu ku cunsuriyadaysay warar uu maalmahii ugu danbeeyey ka soo gudbinaayey safar uu dalka turkiga ku joogo guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Weriye Siciid Maasim Axmed Cawaale oo hadda ku sugan magaalada ugu weyn dalka Turkiga ee Istanbul oo uu Jaamacad kaga jiro ayaa qoraal uu soo gaadhsiiyey Warbaahinta kala duwan oo uu sharaxaad kaga bixinayo sababta uu isku casilay wuxuu dhignaa sidan:

“Marka hore waxan salaan qiimo badan u dirayaa dhamaan dadka ku hadla afka somaliga gaar ahaan kuwa xiiseeya warka,warbixinaha iyo
barnaamijyada aan sameeyo, waxaanan leeyahay Waad ku mahadsan tihiin sharafta iyo cisiga aad ii yeesheen oo aad idinku horseed ka ahaydeen.

Waxa aan door-biday in aan idiin fasiro sababta kaliftay in aan ka tago Guud ahaan shaqadii aan ka hayay warbaahinta dawladu leedahay ee Tv-ga qaranka Somaliland iyo Radio Hargeisa. Sababta ugu weyn ayaa ah in laygu cunsuriyadeeyay warar aan ka diray guddoomiyaha iyo madaxda  xisbiga Ucid oo ka qayb galay shir caalami ah oo ka dhacay dalka Turkiga kaasi oo Somaliland u ahaa fursad dahabi ah waxay ahayd goob si weyn loogu maamuusay Somaliland oo magaceedu uu la sinaa dalalka kale ee aduunka ee shirka ka qayb gallay,  ma garan karo sababta xisbi qaran oo guul taariikhi ah soo hooyay loogu diido tv-ga qaranka isla markaana aniga oo warka tabinayay ay masuuliyiinta tv-gu gaar ahaan maareeyuhu uu ii eersado xisbi qaran oo Somaliland ah.

Sidaa daraadeed maanta laga bilaabo waxan ka iska casilay dhamaan hawlihii aan ka hayay warbaahinta dawladda gaar ahaan tv-ga Qaranka oo
noqday goob aan laga sheegi karin guulaha ummada ee ay soo hooyaan asxaabta Qaranku”.Ayuu yidhi Siciid Maazim Axmed Cawaale weriyahii
gaarka ahaa ee madaxweynaha Somaliland oo qoraalka isku casilay.

Weriye Maasim Axmed Cawaale ayaa Tv-ga qaranka Somaliland waxa uu ka mid noqday shaqaalihiisa rasmiga ah bishii july sannadkii 2007-dii oo markaasi ay ka hawlgali jireen shaqaale kooban oo tayo leh isla markaana isku duuban wakhtigaasi waxa uu ahaa suxufigii ugu da’da yar ee ka
shaqaynayay waxanu ka bilaabay Tv-ga Qaranka barnaamijyo dhawr ah iyo warar, 2008-diina wuxuu  ku biiray shaqaalihii Radio Hargeisa.

Markii xukuumadda madaxweyne Siilanyo ku guuleysatay doorashadii madaxtooyada somaliland sanadkii 2010-kii bishii Ogost ayaa si rasmi  ah loogu magacaabay weriyaha u gaarka ah ee Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud  Silaanyo waxaanu si hagar la’aan ah ula shaqaynayay ilaa 2010 ilaa 17-kii October ee sanandkan.

Sannadkani 2013 oo uu u baxay Fursad waxbarasho oo uu ka helay dalka turkiga, taasi oo uu ku tagay fasax uu ka haystay wasiirka wasaarada
warfaafinta Md.C/laahi Maxamed Daahir Cakuse iyo Ku xigeenkiisa Md.C/waaxid C/raxmaan C/qaadir, maareeyaha Tv-gu waxa uu wakhtigaasi ku maqnaa dalka ingiriiska, waxaana intaa wixii ka danbeeyey uu Maareeyaha telefishankaasi SLNTV bilaabay inuu Siciid Maasim ula dhaqmo qaab qabiili iyo cunsuriyadeed.

Mid ka mid ah baraha internetka ee uu maamulo Maareyaha telefishanka xukuumiga ah ee SLNTV loo yaqaano Khadar Cali Gaas ayaa dhawaan lagu daabacay war qoraal ah oo uu qoray mid ka mid ah shakhsiyaad ku saaqiday qurbaha oo ay xigto sokeeye yahiin wasiirka madaxtooyada iyo madaxweyne Siilaanyo, kaasi oo aflagaado loogu gaystay Weriye Maasim.

Shakhsigani oo aanay Somalilandpost jeclayn inay magacawdo balse shacabka Somaliland badiba yaqaanan oo intuu dalka ingiriiska degena
cisbitaaladda dalka ingiriiska ka ahaa nadiifiye, isla markanaa ka hor intaanu dalka ingiriiska iman Hargeysa ka ahaa mudalab hudheel ku yaalla
ka shaqeeya, oo bartaasi internetka iyo wergeys Hargeysa ka soo baxa loo sameeyey isla markaana laga shaqo geliyey telefishanka xukuumadda ka dibna ku bilaabay shaqaalaha ka hawl galla dagaal, cay iyo aflagaado ayaa qoraalkaasi aflagaadada ah u gaystay Maasim.

Wixii intaasi ka danbeeyeyna Khadar Cali Gaas iyo shakhsigaasi oo Hargeysa ka wada degen guri qudha ayaa waxay bilaabeen inay dhalinyaro
wasaaradda warfaafinta ka tirsan ay ku bilaabaan dagaal cunsuriyadeed.

isla sannadkani ayuu shakhsigaasi Aflagaado iyo dagaal kula kacay farsama yaqaan ka tirsan telefishanka oo la yidhaahdo Siciid Jirde Nuur,
isla bilo ka dib ayuu haddana weerar ku qaaday weriyaha caanka ah ee Maxamed Xuseen Cali, isla maalmo ka dib ayuu haddana dagaal la gallay
mid ka mid ah farsamayaqaanadda telefishanka SLNTV, isla maalmo ka hor ayuu haddana dagaal feedh ah ku qaaday suxufiga kale ee ruug cadaaga ah ee la yidhaahdo Axmed Xuseen Warsame.

Shakhsigani oo ah ka ugu awood badan gudaha wasaaradda warfaafinta isla markaana awoodda ka hellaya wasiirka madaxtooyada iyo xubno uu ka mid yahay nin looga yaqaano Somaliland Moorgan oo ay u dhaxday inan uu dhallay madaxweyne Siilaanyo, ayaa ka dhigay wasaaradda warfaafinta goob sida hudheeladda Hargeysa ee uu mar shakhsigaasi ka shaqaynaayey loo walaaqo.

*Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Oo La Mid Noqotay Sidii Xarunta Xidigta October Ee La Keeni Jiray Geeljirayaashii Beesha Mareexaan Ee
Laga Soo Daabuli Jiray Garbaharay.*

Sannadkii 2012-kii ayaa loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta nin la yidhaahdo Cabdirashiid Jibriil Yuusuf oo magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland soo gallay 2003-dii kana soo gallay miyiga beriga dalka, waxaana uu ku haysan jiray goob aan ka fogayn kheyriyadda caasimadda Hargeysa goobaha looga yaqaano Hargeysa dukaan kabadhka ee lagu dayac tiro saacadaha.

wasiirka hore ee warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale oo qoraaladii taxanaha ahaa ee uu qoray markii uu xilka wasaaradda ka tagay kaga hadlaayey
Agaasimaha guud ayaa wuxuu sheegay in wasiirka duulista Maxamuud Xaashi Cabdi uu aroor walba weydiin jiray kelmad ah “Boobe kii yara ka waran ma la qabsaday shaqada fadlan saaxiib noo tababar”

isla sannadka waxaa wasaarada la keenay nin la yidhaahdo Axmed Saleeban weyne oo isna ka soo jeeda isla qoyska madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirka madaxtooyada, Axmed ayaa markii xilka loo magacaabay maalmo yar ka hor wuxuu ka soo baxay dalka ingiriiska xabsi ku yaalla oo uu muddo ku xidhna, iyadoo lagu xidhay falal danbiyeedyo ku lug leh iibinta mukhadaraadka daroogada, danbiga uu ka gallay dalka ingiriiska awgeed oo aanay u suurtagal ahayn inuu shaqo ka qabto ayaa la keenay Hargeysa loona magacaabay xil cusub oo aan hore wasaaraddu u lahayn oo ah farsamo yaqaanka guud.

sannadkii 2012-kii ayaa isna laga keenay dalka ingiriiska shakhsiga loo furay barta internetka iyo wergeys ka soo baxa Hargeysa oo isna dalka
ingiriiska intuu joogay nadiifiye (cleaner) ka ahaa cisbitaalka magaalada Birmingham ee dalka ingiriiska.

Gebi ahaanba wasaaradda warfaafinta ayaa noqotay goob la mid ah wergeyskii loo yaqaanay Xidigta October ee dawladdii faashistiga kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre, iyo xaruntii loo yaqaanay Wasaaradda warfaafinta iyo dhaqanka iyo dalxiiska oo kolba la keeni geel jirayaal iyo hablo laga keenay miyiga deegaanka Garbahaaray oo ay degayeen qoyska keligii taliyahii Maxamed Siyaad Barre, laguna tababari jiray oo markii
ay ka yaabeen bahdii suugaanta ee wasaaradaasi hoos iman jirtay ay ka sameeyeen ruwaayadii la odhanaayey “nin kasta meeshii cun cunaysa isaga xoqan doona”.

Madaxweyne Siilaanyo oo dadka ugu dhaw u sheega inuu tallada dalka u qabtay sidii uu magac uga tagi lahaa, ayaa xukuumadiisu ka dartay tii
Maxamed Siyaad Barre ee isaga laftigiisu uu la diriray, dhawaana ururka Somaliland Focus Group ayaa cambaareeyey qaabka foosha xun ee xukuumadda Siilaanyo ula dhaqanta suxufiyiinta

 

Sababta hoos ka daawo

Somalilandpost.net

Istanbul