Wariye Codsaday Siideynta Saxafiyiin Kale Oo Ay Xabsi Kuwada Jireen

Addis Ababa, (SLpost)- Mid ka mid ah shantii wariye ee dhawaan laga sii daayay xabsiyada dalka Itoobiya ayaa ku baaqay in beesha caalamku ay cadaadis ku saarto dawladda Itoobiya in ay siidayso wariyeyaasha kale ee xidhan.Wariye

Tesfalem Waldyes, BBC-da u sheegay in saaxiibadiisii kale ay ku xidhan yihiin xabsiyada Itoobiya.

Wariyayaashan ayaa xidhnaa muddo sanad ka badan waxaa loo cuskaday sharciyo argagixisada la xidhiidha.

Kuwa la sii daayay waxaa la joojiyay oo la tuuray dacwadihii loo haystay, laakiin Tesfalem waxa uu sheegay in uu wali cabsi ku nool yahay.

Mar la waydiiyay waxa ay ka dhigantahay in wariye lagu noqdo gudaha dalka Itoobiya waxa uu sheegay in ay dawladdu ‘xariijin cas’ jeexday oo aanu ogayn goorta uu ka talaabi doono xariijintaas cas.

siidaynta shantaasi wariye waxa ay ku soo beegmaysaa todobaadyo ka hor wakhtiga uu Itoobiya booqanayo madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama.

Hay’addaha xuquuqda aadamaha u doodaa waxay aad ugu dhaliilaan dawladda Itoobiya sida ay ula dhaqanto wariyeyaasha madaxa-banaan ee arrimo dawladda ka dhan ah sheega.