Wariye Cabdimaalik Coldoon iyo Sawirqaadihiisii oo xabsiga Loo Taxaabay

Burco(SLpost)-Ciidamada booliska gobalka Togdheer ayaa xabsiga Taxaabay Wariye Cabdimaalik Coldoon iyo sawirkaadihiisii iyo sida oo kale waxa albaabada loo laabay xaruntii uu ku shaqayn jiray ee gobalkaas.

12573894_1548048772178379_333818116505741379_n

 

Ma jiraan ilaa hada warar ka soo baxay sababata ay xukuumadu u xidhay wariyahan, waxse jiray in mudooyinkii danbe uu ku hawlanaa muuqaalo gaagaaban oo la xidhiidha dhanka siyaasada. xukuumada madaxweyne Siilaanyo ayaa tan iyo intii ay xukunka qabtay ku caanbaxday xadhiga qaybaha kala duwan ee warbaahinta.