Wariye Aamina Muuse Weheliye oo ka hadashay sababta ay uga tagtay BBC

London (SLpost)- Suxufiyadda caanka ah ee Aamina Muuse Weheliye, oo dhawaan ka tagtay Laanta Af-Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa markii ugu horreysay ka warrantay sababaha ku kallifay inay ka tagto Shaqadeedii BBC-da, isla markaana waxay sheegtay inay la soo gudboonaadeen arrimo calculus iyo shirqoollo shaqada dhexdeda looga maleegay.

Aamina Muuse Weheliye oo immika ka hawl-gasha TV-ga Universal, ayaa sida xalay lagu baahiyey Shabakadda wararka Internerka ee Berberanews, waxay Aamina Muuse boggeeda Facebook oo ka mid ah qaybaha Internet-ka ee laga wada sheekaysto mar ay dhawaan la hadalaysay asxaaabteeda qoraal ay u kala dirtay si duur xul ah ugu sheegtay sababaha ku kellifay in ay shaqada ka tagto, waxaanay qoraalkaas Aamina Muuse Weheliye oo dhinacyo badan taabayaa u dhignaa sidan:-

“Waa garansanahay in wax badani guxayaan, waa ogahay in dadku aanu badanaa daacad ka noqon waxa uu ku hadlayo, waana ka baxanahay in ay nagu badatay in aannaan is waafajin badanaa waxa aan afka ka leenahay iyo waxa uurkeenna fadhiya. Waayo? Soomaalida waa yar tahay qof inta uu meel ka tago aan ka hadlin iyo mid kale oo aan la qaadqaadin. Shaqaale badan ayaa BBCda hore uga tahay, Walaalhey ayey ahaayeen kulligood, dad aan isku dheer nahay dhinaca shaqadanaay ahaayeen.

Haddaan xuso waxaa horteey ka tagay BBC-da anigoo u soo kala qaadqaadaya sideey tagista ugu kala horreeyeen, Maxamed Khaliif Giir, Nuur Shire Cismaan, Cabdullaahi Maxamed Mursal, Cabdiraxmaan Yabaroow, Maxamed Caddoow, Axmed Muuse Cabdulle, Cabdisalam Hareeri, Axmed Xasan Cowke, Xasan Bariise, Farax Lamaane, Ayaanle Xuseen Cabdi, Cadbiraxmaan Ceynte, Saciid Cali Muuse, Aaden Nuux Dhuule, markeey halkaas joogtana anigaa ku soo xigey, oo ka tagay 9kii July 2011-ka, intaas oo dhan sababo kala gooni ah ayey uga tageen.

Laakiin, anigana sababteyda gaarka ah ayaan uga tagay, anigaana doorta in aanan afka la taagin sababtaan uga tagay BBC-da, waayo? Wax aad intiinan xajmi u leedihiinba ma aha, sabab weyn ayaan uga tagay BBC-da, sababtaan BBC-da uga tagay aniga iska daaye, waxeey quseeyneeeysaa dhammaan dadka Soomaliyeed eeo colaaddu ku dul socoto, waxeey quseeyneysaa dhammaan inta masuuliyad Soomaliyeed ka sheegaya ama Soomaliland, ama Puntland ama Soomaaliya, middeey doonto ha ahaatee, waxeey quseeysaa qof kasta oo Soomaali ka naxaya.

Xaalka aan shaqada uga tagay ma aha BBC baan u shaqeyn jiray haddana waa ka tagay, ee waa sabab murugo leh, oo tiiraanyo ku dheehan tahay, waxaan uga tagay sabab aanay jirin waddo kale in aan ka tago shaqada mooyee, Illaaheyna waa ogyahay, intii shaqadu naga dhaxeysayna waa ogtahay, ciddaan meesha uga tagay darteedna waa ogtahay.

Aniga wax kastoo igu dhacayba waa igu dhaceen, waana la igu qasbay in aan shaqadayda ka tago, ee ma aha mid aan anigu u tanaagooday (go’aansaday), laakiin, waxa la iigu qasbay si aan toos ahayn oo la ima dhihin (odhannin) inta la isoo dul istagay ( NAA KA TAG SHAQADA), balse waxaa la i gayeeysiiyey in la i geliyo cadhiidhi aan nafis lahayn, waa la iga daba qaatay, si aan meesha oo dhan u naco, ugana cararo, waana noqotay sidii oo waa anigaas ka tagay.

Sababta kale ee aan la aamusanahay sababaha aan shaqada BBC-da uga tagay waa: iyadoo badhitaan socdo!!! Waayo? Waa sabab weyn oon dheeldheel gelin, (by Law) ama sida sharcigu qabana, haddii arrin badhitaan ku socdo lagama hadlo, waayo? Badhitaankaas ayey wax u dhimeysaa. Markaa aniguna waxba falanqeyn maayo hadda, illaa xaalku ka gaadho meel laga hadli karo.

Waxaanse filayaa in aad intaas igaga qanci doontaan haddaad tihiin kulli inta Af-Soomaliga ku hadasha ee walaalheyga ah, ee i bar iyo guux garaneysa. Idinkamana dheeri oo hadda waxaan la shaqeynayaa si PART TIME ah, Unuversal TV, ugu yaraan waan faraxsanahay, waxaanan ku faraxsanahay go’aanka aan qaatay ee ah in aan ka tago shaqada BBC-da in kastoo sidaan idiin sheegay aney ahayn sababtu in aan anigu iska jeceleystay in aan iska tago, balse ay tahay shirqool gaamuray oo la ii dhigay, la iguna fuliyey.

Waxaad ogaataan mid, kol haddaad aragtaan qof shaqo uu hayey ka tagay balse weli meheraddii ku jira, ogaada qofkaasi meheradda ma nicin, ee wuxuu ka tagay waa meesha uu ka shaqeynayaa loo fadhiistay, oo uu joogi kari waayey.

Aniguna waxaan la mid ahay walaalaheeygaas aan kor ku soo xusay oo kulligood ka tagay halkaan ka soo tagay, nool oo faraxsan, lagana yaabee in ay hadda ka nolol fiican yihiin, markii hore. Waad ku mahadsan tihiin welwelka aad ka qaaddeen in aad ogaataan sababta aan uga tagay BBC-da, aniguna waan idiin han-weynahay,

Ogaada la’aantiin waxba ma noqdeen, waxaan wax ku ahay waa dhageysigiinga, idinna sidoo kale ima jeclaateen haddii aanan warkaygu wax la dhageystaba lahayn ee waad iska keey damin laheydeen. Marka waxaannu nahay BUDO QABE IYO BIYO QABE WAA ISKU BAAHAN YIHIIN. Ogaadase weli asaydii baan idiin sidaa, muddo sannad ah, ASAAYDUNA waa qeyb ka mid ah waxa aan shaqada uga tagay.

Illaah ha idin dhowro namana kala geeyo. Noolaada walaalaheygii Soomaliyeedoow.”

Amina Muuse Weheliye.

asahra2012@gmail.com aminawehelie@yahoo.co.uk

Foojignaan: Qoraalkaan waa u fasaxan tahay saxaafadu, waa dabacan kartaa waana baahin kartaa Saxaafaddu.