Wariye Aamina Muuse Weheliye oo Ka Diga-rogatay Telefishanka Universal

aamina muuseLondon (SLpost)- Wariyaha Caanka ah ee Aamina Muuse Weheliye oo hore uga tirsanayd telefiishanka Xaruntiisu tahay magaalada London ee Universal, ayaa maanta si rasmi u shaacisay inay ka tagtay shaqadii ay Telefishankaas ka haysay.

Wariye Aamina oo hadda oo ku sugan Dalka Ingiriiska Qoraal kooban oo ay warbaahinta soo gaadhsiisay ku shaacisay shaqo ka-tagisteeda, waxa ay sheegtay inay u wareegtay isla markaana ka tirsanaan doonto hawl-wadeennada telefishanka Xaruntiisu tahay magaalada Hargeysa ee Horn Cable Tv.

Qoraal Aamina ayaa u dhignaa sidan:  “Maanta oo bisha March tahay 8, sanadka 2013-ka waxaan idiinla socodsiinayaa, in aan iska casilay si rasmi ah shaqadii aan u hayey taleefishanka UNIVERSAL oo aan la soo shaqeeyey si sharaf leh muddo ku dhow laba sannadood.

Waxaan u rajeynayaa mulkiilaha, maamulka iyo shaqaalaha walaalaheyga ah meel kasta ooy dunida ka joogaan, horuumar iyo badhaadhe, tageerayaasheyda waxaan leeyahay idinkama tagine, gurigii uun baan ka guuray, midka cusub oo aan degayna marti kama tihiin, waana isla socon doonnaa, iskana war qabi doonaa haddii eebbe yidhaahdo.

Barnaamijyadii aad iiga barateen ee NALA FIIRSO, BANDHIGGA AMINA iyo kuwo kale oo hor leh-na waxaad ka daawan doontaan HCTV oo ay iminka suurta-gashay inaan wada gaadhno heshiis wada-shaqeyneed oo rasmi ah, ka dib markii wadahadal iyo gor-gortan shaqo oo culusi uu noo socdan aniga iyo milkiilaha Taleefishankaasi Farxaan Xaaji Cali, tan iyo bishii MAY ee sanadkii hore ee 2012-kii, gor-gortaankaas oo ay dad farabadan oo kale oo Soomaliyeedna ka qeyb-qaateen,

Waxaan idin leeyahay kulligiin nabad iyo caano ku noolaada.”

Amina Muuse Weheliye.

Luton, Bedfordshire.

United Kingdom.