Wargeyska New York Times Oo Wax Ka Qoray Kaalinta Uu Adeegga ZAAD Kaga Jiro Koboca Dhaqaalaha

Washignton (SLpost)- Xaaska Maal-qabeenka ugu hantida badan adduunka ahna mulkiilaha shirkadda Microsoft, Melinda Gate, ayaa warbixin ay ku daabacday Wargeyska Caanka ah ee New York Times, waxa ay kaga hadashay isbeddelka dakhli-dhaqaale ee nidaamka lacag-keydsiga Casriga ah ee Telefoonada gacanta u yeeshay haweenka ku dhaqan waddamada Dunida Saddexaad, gaar ahaan dalalka Bangledesh, Somaliland, Somaliya, Kenya iyo waddo kale oo qaaradda Afrika ku yaala.

Melinda Gates waxa ay qormadeeda ku soo qaaday Kaalinta uu Adeegga Zaad ee shirkadda Telesom ugu dhiirri-geliyey haweenka inay samaystaan hannaan xisaabeed ay ku maamulaan dhaqalahooda maaliyadeed iyaga oo isticmaalaya farsamada Casriga ah ee lacagaha laysugu xawilo ama loogu keydsado nidaam-maaliyeed Electronic-ga ah ee Moobillada, iyada oo si gaar ah qormadeeda ugu xustay oo tusaale ku-dayasho mudan ugu soo qaadatay Adeegga Zaad ee shirkadda Telesom.

ZaadMelinda Gates waxay xustay in teknoolajiyadda Mobile-ka lacagta loo adeegsadaa in uu si wayn u korayo, waxaanay tusaale u soo qaadatay adeegyada ZAAD ee Somaliland Iyo BKASH ee Bangladesh.

Qormada Melinda Gates oo ciwaan looga dhigay ‘Cellphones For Women in Developing Nation Aid Ascent from Poverty’ oo ah Telefoonada ay isticmaalaan haweenka ku dhaqan dalalka soo koraya waxay ka caawisay inay ka soo kabtaan Saboolnimada’, ayaa lagu bilaabay sidan: “Haweenku waxay udub dhexaad u yihiin maamulka dhaqaalaha qoyska, waxaanay kaalin laxaadle kaga jiraan dhaqaalaha bulshooyinka guud ahaan marka laga eego dhinacyada qorshaynta iyo maamulidda dhaqaalaha qoyska, ka qaybqaadashada kobcinta dhigaalka qoyska.

Haweenka dunida soo koraysa ku nool ee aan lahayn Bangiyada oo lacagtooda ku kaydsada barkimada hoosteeda ama meelo aan aamin ahayn, warwar badan ayaa xilli kasta ka haysta in uu tuug ka qaato ama xitaa cid kamid ah qoyskeeda oo aan masuul ahayn. Arrintaasi waxay muujinaysa cid kasta oo aan adeeg maaliyadeed lahayn inay nolol adag ku nool yihiin, maadaama aanay si hufan u maamulan karayn dhaqaalohooda, mustaqbalka noloshoodana aanay kayd u samaysan karin.

Adeegyada maaliyadeed ee mobile-ka ku dhisani waxay suurta galiyeen in dad 2 bilyan oo qof oo dunida soo koraysa ku nooli inay Baan yeeshaan, malaayiin qoys oo faqri ku noolaa inay ka baxaan iyo in dhaqaalaha dalalkaasi uu horumar la taaban karo sameeyo maadaama adeegyada maaliyadeed ee Moobilka, sida ZAAD-ka oo kale, ay si isku mid ah u taabanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada dhaqaalaha doorka wayn ka ciyaara, gaar ahaan Haweenka.

Adeegga ZAAD ee shirkadda Telesom waxa uu kamid yahay tusaalayaasha dunida ee dhinaca horumarka adeegyada Mobile-ka lagu isticmaalo lacagta, sida in la isu diro, wax lagu iibsado ama lagu kaydsado; iyada oo bulshada Somaliland ee uu ka dhex shaqeeyaa ay in badani yihiin qaar aan waxba qorin waxna akhriyin isla markaana aanay hore uga jirin adeegyo maaliyadeed oo bulshadu ku tiirsan tahay.

Kaalinta uu ZAAD ka qaatay u fududaynta Haweenka Somaliland inay helaan adeegyo maaliyadeed iyo qaababka ay shirkadda Telesom ugu bixisay fekerka habka haweenka loogu fudadayn karo ayaa ah mid dunida si wayn uga dhex muuqatay, taas oo saamayn toos ah ku leh koboca dhaqaale ee dalka waana sababta ay Melinda Gates ugu soo qaaday maqaalkeedan NY Times ay ku qortay. Adeegga ZAAD waxa fursad u siiyay haweenka Somaliland inay yeeshaan Baan oo Mobile-koodu u noqdo si ay dhaqaalahooda ugu maamulan karaan si hufan, ugu kaydsan karaan lacagtooda islamarkaana si hawl yari iyo kharash ah ay danahooda dhaqaale u fushan karaan.

Faa’iidooyinka ZAAD uu Bulshada u soo kordhiyay waxa ka mid ah in uu yareeyay kharashaad badan oo kaga bixi jiray in ay dadku u safraan si ay lacag isugu tebiyaan. Waxa kale oo uu bulshada miyiga & magaaladaba u suurtogeliyay in uu ka qaaday werwerkii ka haystay ilaalinta lacagta, waxana uu u noqday aalad u keentay in ay ka gam’aan lacag ka lunta ama laga xado. Waxa kale oo uu shirkadaha & ganacsiyada u suurtogeliyay in uu ka dhigo nidaamyadooda xisaabeed mid hufan oo leh qoraal sugan oo ay tixraacaan. Adeegga ZAAD uu wax weyn ka beddelay nidaamkii xawaaladaha Dibadda, iyada oo qofka leh ZAAD uu si fudud moobilkiisa ugu helayo lacagaha looga soo diro daafaha Dunida.” Sidaas ayaa lagu sheegay Qormada.

Waxa Qormada Haweenayda uu qabo Ninka ugu maal-qabeensan dunida lagu sheegay in mustaqbalka dhow dhaqaalaha dunida soo koraysaa uu si wayn ugu xidhnaan doono adeegyada maaliyadeed ee electronig-ga ah (Digital Financial Services), bulshooyin-kuna ay ku kala tagi doonaan sida ay u maalgashadaan adeegyadaas ugana faa’iideeyaan adeegyadaasi maaliyadeed qaybaha kala duwan ee bulshada ee kaalinta wayn ku leh koboca dhaqaalaha oo ay haweenku kamid yihiin.

Qormadan ay haweenaydani kaga hadashay muhiimadda ay bulshooyinka u leeyahay nidaamka Bangiyada ee Telefoonnada Gacanta loogu keydsado lacagaha, ayaa ku soo beegmaya iyada oo arrintan uu hore uga hadlay Bill Gates oo shir caalami ah oo uu ka qayb-galay ku ammaanay adeegga Zaad ee shirkadda Telesom.