Wargeyska DAILY TELEGRAPH oo Fashiliyey Qorsheyaasha Shiinuhu ku wejahayo Xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan oo uu ka cadhooday

Somaliland President, Muse Bihi Abdi on his arrival from Addis ababa today

 

“Xidhiidhka curdinka ah ee u furmay Xukuumadaha Taipei iyo Hargeysa, waxa si adag uga soo horjeestay Soomaaliya iyo Shiinaha oo ku heshiiyey inay si wada-jir ah u sameeyaan Ciidamo ilaaliyaha biyaha badda.

Waxaa laga yaabaa inay loolan hor leh ka dhex dhaliso quwadaha militari ee caalamka isla markaana ay timaaddo in laysku adeegsado awoodo diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale, laakiin Is-bahaysiga dibloomaasiyadeed ee u furmay labadan waddan ee Dimuqraadiga ahi, waxa ay ku kalliftay dalka Shiinaha inuu Is-difaac galo”, sidaa waxa lagu bilaabay warbixin uu Wargeyska ugu Afka dheerka dalka Ingiriiska ee Telegraph ka diyaariyey xidhiidhka dibloomaasiyadeed ee u furmay Somaliland iyo Taiwan iyo Saamaynta siyaasadeed ee ka dhalatay, taas oo shabakadda Codkahargeysa.net ka soo xigatay.

Sida warbixinta lagu sheegay, Xidhiidhka sii kordhaya ee u dhexeeya Taiwan iyo Somaliland ayaa kiciyay weerar diblomaasiyadeed oo waali ah oo kaga yimaada dhinaca Beijing, waxaana lagu soo waramayaa inay arrintani ku riixday Shiinaha inuu sare u qaaddo rejada ah wada-shaqayn ay ilaalada maraakiibta Shiinaha iyo Soomaaliya ka sameeyaan biyaha ku xeeran mandaqadda Geeska Afrika ee Istaraatajiyadda u ah Isu-socodka adduunka.

Warbixinta oo afka Soomaaliga ay u soo tarjumeen wariyeyaal ka tirsan Shabakadda Wararka ee CodkaHargeysa.net, waxa lagu yidhi, “Somaliland oo ah dal aan wali la aqoonsan oo ku yaalla Geeska Afrika, waxa maalinta Arbaca ah u qorshaysan inay xafiis dibloomasiyadeed ka furato Taiwan oo dhawaan xafiis la mid ah ka furatay magaalada Hargeisa, iyadoo tallaabadani suurtogelinayso in labadan waddanba midka kale u aqoonsaday waddan madax-bannaan,” ayaa warbixintu sheegtay.

“Taiwan ayaa bishii Ogosto muujisay xoojinta xidhiidhka siyaasadeed iyo ganacsi iyada oo xafiis ka furatay Somaliland, taas oo isla markiiba dhalisay dhalleecayn kulul oo kaga timaadda Soomaaliya oo sheegata dhulka Somaliland kana soo horjeedda xuquuqdeeda madaxbannaanida, iyo Shiinaha oo ka soo horjeeda inay Taiwan noqoto dalka madax-bannaan.”

“In kasta oo Beijing ay doonayso inay Taiwan wax xidhiidh ah la samayso Afrika oo ay mashaariic badan ka hirgeliyeen, haddana Somaliland waxay ku fadhidaa marin biyo mareen oo muhiim u ah mandaqadda kaas oo ay ku loolamayaan quwado waaweyn oo muddo dheer raadinayey.

Dalka Jabuuti ayaa ahmiyad weyn u leh himilooyinka milatari caalamiga ah ee xukuumadda Beijing, isaga oo martigaliya Saldhigga Milatari ee kaliya ee Shiinuhu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa.

Dareenka Maraykanka iyo Damaca Shiinaha

Toddobaadkii hore, warbixin la xidhiidha milatariga Shiinaha oo uu soo saaray Aqalka Gaashaan-dhigga Maraykanka ee Pentagon-ka , waxa lagu sheegay in Beijing ay sidoo kale qorshaynayso saldhigyo cusub oo laga yaabo inay ka furtaan dalallka Kenya, Tanzania, Angola iyo Namibia.

Wargeyska Telegraph oo soo xiganaya mid ka mid ah khubarada dhinaca arrimaha amniga oo ka hawl-gala Geeska Afrika, codsadayna inaan magaciisa la xusin, waxa uu sheegay in fal-celinta ba’an ee Shiinaha iyo Soomaaliya ka bixiyeen tallaabadani ay tahay mid ka durugsan war-saxaafadeedyada ay soo saareen. Waxa uu khabiirkani sheegay in xidhiidhka bilihii u dambeeyey sii xoogaystay ee Taiwan iyo Somaliland ku kallifay dalka Shiinaha inuu Somalia u soo bandhigo qorshe ah inay si wada-jir ah u hawl-galiyaan ciidamo ilaalo ah oo badda ah.

“Shiinuhu wuxuu ka degay magaalada Muqdisho wuxuuna ku yidhi waa sidee roondooyinka laga sameeyo Biyaha baddaada ilaa dhinaca Woqooyi? Aan idinka caawino taas. Waa xeelado si buuxda looga faa’iideysanayo oo xoogsheegasho si ay marmarsiinyo ugu helaan maraakiibtooda iska taagan Jabuuti,” ayuu yidhi Khabiirkani, waxaanu intaas ku daray, “La yaabi maayo haddii aanay tani dhicin bisha soo socota ama aanay laba markab oo Mareykan ah ku soo xidhaan markii u horeysay dekedda Berbera”.

Warbixinta Wargeysku Qoray, ayaa lagu soo qaatay Qoraal uu qoray Khabiir ka tirsan Machadka American Enterprise ee fadhigiisu yahay magaalada Washington, kaas oo uu dowladda Maraykanka ugu soo jeediyey in ciidamada Maraykanku saldhig Milatari ka samaystaan mid ka mid ah Dekedaha Somaliland si ay uga faa’idaystaan muhiimadda istaraatajiyadeed ee ay leedahay si looga hortago isballaadhinta milatari ee Shiinaha.

“Ma jiro meel dagaalladu ku yar yihiin oo uu Shiinuhu si weyn uga naafeyn karo istiraatiijiyadda Mareykanka marka loo eego Geeska Afrika,” ayuu yidhi khabiirkani, isagoo intaas ku daray inaanu Maraykanku awood u heli doonin inay ciidamadiisu sii joogaan Jabuuti haddii Shiinuhu fursad u helo inay Maraakiibtiisu roondo ka samayso biyaha Gacanka Cadmeed oo ah marin sahayda loo mariyo ciidamada Maraykanka ee fadhigoodu yahay Jabuuti.

Warbixinta Wargeyska Telegraph oo Codkahargeysa.net soo xigatay, waxa lagu sheegay in Somaliland, oo leh Xeeb dhererkeedu yahay 460 Mile oo kulaalaysa Gacanka Cadmeed, ay tahay goob muhiim u ah difaaca badda Cas iyo marinnada muhiimka ah ee ay isticmaalaan maraakiibta Shidaalka u sida Wershadaha iyo Gaadiidka reer Galbeedka.

Waxa warbixintan lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ku gacan-saydhay cadaadis dibloomaasiyadeed oo ka yimi Shiinaha iyo Deeq Lacageed oo la siiyo si ay u joojiyaan xidhiidhka dalka Taiwan.

“Sida dalka Taiwan oo kale, Hargeisa oo ah inay tahay Jamhuuriyad ka samaysantahay Maxmiyaddii Ingiriiska, madax-bannaanideedana haysatay ilaa sannadkii 1991-kii oo ay dib ugala soo noqotay midowgii Soomaaliya, waxa ay dedaal ugu jirtaa inay aqoonsan caalami ah ka hesho beesha Caalamka,” ayuu yidhi Wargeysku.