Wargelin & Raalligelin: Shabakadda Somalilandpost

Maamulka Shabakadda Wararka ee Somalilandpost waxa uu bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan intoodii si tooska ah ugu xidhnayd, muddadii ay shabakaddu Hawada ka Maqnayd sababo la xidhiidha Cillado farsamo oo soo food-saaray iyo Dib-u-habayn ballaadhan oo lagu samaynayey Design-ka iyo Server-ka Shabakadda oo aanu intii hore ka ballaadhinnayo.

Maamulku waxa uu akhriseyaasha iyo bulshada kale ee Soomaaliyeed u ballan-qaadayaa inaanu halkii idinka sii amba-qaadi doono adeegyadii aanu bulshada u haynay.

slpoShabakadda Somalilandpost.net oo ah warbaahinta Madax-bannaan oo Akhristeyaashu uga barteen Dhex-dhexaadnimo iyo Warar & Warbixinno Mihnad-saxaafadeed hagayso, waxa ay hawl-wadeennadeedu u darban yihiin inay ka haqab-tiraan isla markaana raalli-geliyaan Akhristeyaasha sida tooska ah ugu xidhan iyo umadda kale ee Soomaaliyeed.

Maamulka iyo hawl-wadeennada shabakaddu waxa ay halkan uga mahad-naqayaan Akhriseyaal tiro badan oo muddadii shabakaddu hawada ka maqnayd tabay xogta shabakaddu bulshada u soo tebin jirtay, iyaga oo xidhiidh la soo sameeyey maamul iyo hawl-wadeennadaba.

Mar labaad waxaanu akhristeyaasha ka raalli-gelinaynaa hakadka kooban ee ku yimi shabakadda.

Wixii talo iyo Tusaale ah noogu soo hagaaji, Ciiwaannadan Hoose:

Mahadsanid

 

Maamulka Shabakadda Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

somalilandpost@live.com

Editor@somalilandpost.net