WARGELIN: Macaamiisha Shirkadda Dahabshiil

Waxa macaamiisha sharafta leh ee shirkadda Dahabshiil, meel kasta oo ay joogaanba, lagu wargelinayaa in laamaha waaweyn ee shirkadda Dahabshiil ay shaqayn doonaan, una furnaan doonaan macaamiisha, ilaa 9:00 fiidnimo si macaamiishu uga bogato adeegga shirkadda 10ka maalmood ee dambe ee bisha Barakaysan ee Ramadaan uguna diyaar garoobaan maalmaha Ciidda ee farxadda badan ee ka dambeeya.

Alle ha idinka abaalmariyo cibaadadiinna iyo camalkiinna sugan. Aamiin.