WARGELIN: Jaamacadda Hargeysa iyo Habeenka SUUGAANTA

Waxa la ogeysiinayaa dhammaan dadweynaha Caasimadda Hargeysa in Jaamacadda Hargeysa lagu qabanayo Munaasibad magaceedu yahay Jaamacadda Hargeysa iyo Habeenka SUUGAANTA oo lagu daadihinayo aqoon la xidhiidha afka, dhaqanka, naxwaha, suugaanta iyo  dhiganeha CULUUMTA MAANSADA oo uu qoray Siciid Maxamuud Gahayr.. Waxa ka soo qaybgelaya abwaanno, qoraayo iyo aqoonyahanno ay ka mid yihiin:

·         Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”

·         Maxamed Xaaji Raabbi

·         Yuusuf Cismaan Cabdulle “Shaacir”

·         Axmed Shiraac

·         Axmed Aw Geeddi Maxamuud “Dheeraad”

·         C/Laahi Ibraahin Xaaji Xasan

·         Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame”

·         Axmed-Yaasiin C/Raxmaan Axmed “Dool”

·         Maamulka Jaamacadda Hargeysa iyo mudan kale.

Xilligu waa 18/April/2013 maalinta Khamiista, habeenka Jimcuhu soo gelayo, goor-sheegtuna tahay 06:30 bacdal maqrib haddii Alle idmo.. Ciddii jecel inay ka qayb-gashaa ha la xidhiidho taleefannadda kala ah 4428604/4131105… Waad ku mahadsan tihiin dhawritaanka ballanka.