WARGELIN: Bandhig-fanneedka Xiddigaha Geeska iyo Wacdaraha Ciidda

Kooxda Fanaaniinta Xidigaha Geesku Waxay Ku Wargalinayaan Dhamaan Taageerayaashoodii inay Ku Qabanayaan Habeenka Koowaad ee Iida Bandhig Faneed aad u Xiiso Badan Hotel Guuleed Hargeisa

Kooxda Xiddigaha Geeska oo bandhig Faneed ugu Talagashay inay ku Qabato Hotel Crown Hargeysa  ayaa u badashay Bandhig Faneedkii in Lagu Qabto Hotel Guuleed ka dib markii dalabka Tigidhidhada ka imanaya Xaga Taageerayaasha oo aad u Badan lagana yaabo in Hallka Crown Hotel aanu Qaadi Karin Tirada Dadka Kasoo Qayb Gali Kara Bandhigan Ciida ee Kooxda Fankooda aadka loo Jecelyahay ee Xidigaha Geesku.

showga Gudida Qabanqaabada ee Bandhig Faneedku waxay  Go’aan ku Gaadhay in Lagu Qabto Hotel Guuleed oo Hall kiisu Qaadi Karo Tirada la Filayo inay kasoo Qayb Gasho..

Qiimuhu waa 20 dollar oo qudha, waa bandhig-fanneed ammaankiisa aad loo adkeeyay.