WARBIXIN: Xukuumadda Somaliland Waxay sharci-darro u aragtaa in Muwaadiniinteedu ku safraan baasaboorka Soomaaliya, in kasta oo Baasaboorka…’

“Xukuumada Somaliland ayaa sharci daro u aragta in muwaadiniinteedu ku safraan baasaboorka Soomaaliya, inkastoo baasaboorka Somaliland keliya lagu tago Itoobiya iyo Maleysia….” Sidaa waxa lagu bilaabay  WARBIXIN dheer oo laga qoray waayaha Somaliland.

Warbixintan oo lagu daabacay Barta Internetka ee Machadka Caalamiga ah ee Siyaasadda adduunka ee The Interpreter, ayaa waxa qoray Haweenay Wax ka Dhigta Jaamacadda Sydney ee dalka Australia, laguna magacaabo Sarah Phillips taas oo socdaal ay daraasad ku   ayaa lagu bilaabay: “Xitaa khubarada siyaasada, madaxbanaani, maaha wax saamayn badan ku yeelanaya nolol maalmeedkayga. Laakiin, wakhtigaan joogay Somaliland, waa lama huraan, iyo sida loogu heelan yahay. Somaliland oo xornimadeeda kala soo laabatay soomaaliya 1991, ayaan weli rasmi loo aqoonsan, inkastoo maamul dhisani ka jiro.

Markaad soo gashid xuduudaha Somaliland muhiimada doodada madaxbanaanida Somaliland ee shacabka caadiga ah waa mid aad dareemaysid. Ajaanibka ayaa bixiya $34, isla markaana xukuumada Somaliland ayaa u aqonsan qofka sita baasaboorka Soomaaliya ajaanib. Dadka Soomaalida ee koonfurta iyo Puntland ayaa ku cawda inaan loo aqoonsan ajaanib, maadama aanay Somaliland aduunku aqoonsan.

Xukuumada Somaliland ayaa sharci daro u aragta in muwaadiniinteedu ku safraan baasaboorka Soomaaliya, inkastoo baasaboorka Somaliland keliya lagu tago Itoobiya iyo Maleysia. Xukuumada Jabuuti ayaa aqbasha ku gelitaanka baasaboorka Somaliland, balse viisaha ugu dhufata warqad gooni ah, taasoo muujinaysa inaan jabuuti weli aqoonsan baasaboorka Somaliland.

Sababta aqoonsi la’aanta, xukuumada Somaliland ayaan fursad u helin gargaar caalami, hadii ay tahay mid horumarineed, ama amah baanka aduunka iyo hay’adaha kale. Shirkada ganacsiga ayaan awood u helin la macaamilka baananka iyo shrkadaha caymiska, taasoo caqabad ku ah in maalgashedayaal ajaanib ah u sahlanaato maalgashiga dalka.

Berbera Airport
KEDINKA HORE EE LAGA GALO GAROONKA DIYAARADAHA BERBERA

Hore, Qaramada Midoobay ayaa u ololeysay inay ka saaraan erey kastoo muujinaya madaxbanaanida Somaliland manhajka iskuulada, taasoo dood adag ka keentay awooda hay’adaa u leedahay dalabkaa. Dhowaan UNDP waxay ku adkaysteen in direyska ciidamada booliiska la mid ahaadaan kuwa Puntland iyo koonfur, inkastoo xukuumadu iska aqbashay direyskaa.

Doodada madaxbanaanida Somaliland ayaa kululaatay dhowaanahan. Badhtamahii May, wakiilo ka socda UNDP, hay’ad fadhigeedu yahay Nayroobi oo hawada qaabilsan iyo xukuumada Soomaaliya ayaa go’aan ku gaadhay in maamulka hawada Soomaaliya lagu wareejiyo dhamaadka 2013. Taasoo bedelkeeda wasiirka Duulista Somaliland ku dhawaaqay in Somaliland maamulan doonto hawadeeda laga bilaabo 5th June, isla markaana dhamaan diyaaradaha UN aanay soo fadhiisan Karin dalka. Diyaaradihii fadhiyeyna kici Karin.

Sidoo kale, madaxa hawlgalka Qaramada Midoobay UNSOM, oo booqasho ku yimi Somaliland waxa loo sheegay inaanu xafiis ka furan Karin Somaliland.

Inkastoo xukuumadaha Hargeysa iyo Muqdisho ku dedaalayaan fidinta awoodahooda gudaha iyo dibedda, caqabadaha soo waajahaya dalkan cusub ayaa muuqda. Caqabadaha aayaa saamayn doona ganacsiga, duulimaadka, iyo horumarka Somaliland, oo fikirka madaxbanaanidu ka mid yahay nolosha dadkooda.”

SOMALILANDPOST.NET