WARBIXIN: Xarun Barakacayaal oo ku taala Duleedka Hargeysa oo aan Lahayn Musqulo lagu Xaajoodo iyo Halista Ammaan ee la-deriska noqotay Haweenka ku Dhaqan (DHEGAYSO)

barakacayaasha Bariga HargeysaHargeysa (SLpost)- In ka badan siddeed boqol oo Qoys oo ka soo barakacay Abaaraha ka dhacay Deegaamada kala duwan ee Somaliland oo Xarun Qaxoontiga looga Sameeyey Bariga magaalada Hargeysa, ayaan lahayn haba yaraatee Musqullo lagu Xaajoodo, arrintaas oo khatar dhinaca amniga ah ku haysa haweenka barkacayaasha ah ee ku dhaqan Xeradaas.

Dadka ku dhaqan Xeradaas oo haweenkuna ku jiraan, waxa ay dantu ku Qasabtay inay u Xaajo tagaan laagaha iyo Dooxyo ka durugsan xeradaas, taasina waxa ay khatar gelisaa ammaanka haweenka oo mararka qaarkood ku sigta inay tacaddiyo ama Kufsi kala kulmaan Dabaajir xabagta (koolada) ku nuuga meelo ka ag dhow goobta ay haweenku u Xaajo Doontaan.

Tani waa War-bixin lagadiyaariyey Xaaladda haweenka ku dhaqan Xaruntaas, waxaana soo jeedinaya Wariye Aadan Shardi oo ka tirsan Idaacadda Radio Hirad.

GUJI HALKAN SI AAD U DHEGAYSATO WARBIXINTAN