WARBIXIN: Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Weftigii uu hoggaaminayey oo Kulamo la Yeeshay Wax-garadka Beelo ku dagaalamay gobolka Sool (DHEGAYSO)

YAGOORI (SLpost)- Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo wakhtigan ku sugan deegaanka DOCLAHA oo shalay shaqaaqo ku dhexmartay laba beelood ee walaalo ah, ayaa maanta kulamo kala duwan la yeeshay wax-garadka iyo Odayaasha labada beelood.

Ergada Nabadeed oo ka kala Socday Xukuumada,Madax dhaqameedyo iyo Mas’uuliyiin Xilal kala Duwan haya ayaa Weftiga Dawlada Somaliland oo uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Guduhu Waxay Kulamo Gooni Gooni ah ah kula Yeesheen Deegaanka Oog iyo Docaha labada Beelood ee dhibku ka dhex dhacay Waxaanay u Qadimeen Xabad Joojin aan Shuruud lahayn,Sidoo kale Waxay ka dalbadeen inay ka Dhawrsoonaadaan Wax kasta oo Saamayn ku Yeelan kara Nabad ku wada noolaanshaha.

Weftiga Wasiirka Arrimaha Guduhu waxaa kale Cuqaasha iyo Wax garadka labad ardaa inay u dhego Nuglaadan Ciidamada Qaranka oo Mas’uul ka ah Aslaaxinta Nabadgalyada iyo Ergooyinka Ceelalyada Nabadeed ah.

Waxa goobta wakhtigan ku sugan wufuud Tiro badan oo maanta ilaa shalay soo gaadhayey Deegaanka Doclaha ee Shaqaaqadu ku dhex martay Laba Beelood, taas oo Sababtay Dhimashada Afar Qof iyo dhaawaca Laba kale .