Warbixin: Tacaddiyada Haweenka ee ka Dhaca Malcaamadaha, Goobaha Waxbarashada iyo Shaqada

DULMANAHA AAN CADDAALADDA HELIN: Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Somaliland

“Tacaddiyo badan ayaa ka dhaca Goobaha Waxbarashada, Shaqada iyo Malcaamadaha, kuwaas oo aan lala xisaabtamin cidda geysata”

“Culimada dalku haka hortageen kufsiyada soo badanaya ee Malcaamadaha, haddii kale waxay hoos u dhigaysaa barashada diinta Islaamka”

 

Hargeysa (SLpost)- Somaliland GBV oo ah Koox ka tirsan Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somalialnd isla markaana Isu-xil-Qaamay soo bandhigista Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka, ayaa warbixin ay soo saareen maanta waxa ay ku soo bandhigeen heerka ay marayaan tacaddiyada haweenka/hablaha loogu geysto goobaha Waxbarashada iyo Shaqada.

Xarunta Somalilandgbv ee isu-xilsaartay u dhaq-dhaqaaqista Arrimaha haweenka oo cilmi-baadhis qoto-dheer ku sameeyey arrintan warbixintooda kuma sheegin magacyada shaqsiyaadka baadhitaanka sameeyey oo sheegay inay natiijada baadhistoodu ku salaysan tahay waraysi iyo sheekooyinka haween/hablo dhibbaneyaal ah.

War-murtiyeed ka soo baxay Xarunta Somalilandgbv isla markaana lagu soo lifaaqay warbixinta ay diyaariyeen, ayaa lagu sheegay sidan:-

“Warbixintan oo qayb ka noqonaysa, warbixino taxane ah oo aanu ku eegi doonno tacaddiyada ka dhan ah haweenka iyo hablaha reer Somaliland, ee ka dhaca goobaha shaqada, waxbarashada, malcaamadaha iyo adeeg bixinta, ayaa qaybtani noqon doontaa, mid sawir guud ka bixinaysa, hababka ay u dhacaan tacaddiyadaasi.

Warbixintan ugu horraysaa, hoos uguma daadegi doonto, inay soo bandhigto kiisas iyo tacaddiyo ka dhacay goobaha shaqada, waxbarashada, malcaamadaha ama adeeg bixinta, hase ahaatee warbixinta labaad oo soo bixi doonta saddex bilood ka dib ayaa si faahfaahsan u soo bandhigi doonta tusaalayaal rasmi ah, hablo tacaddiyo kufsi ah la kulmay iyo xafiisyada laga geysto tacadiyada ugu badan.

Sababaha ugu weyn ee horseeday in warbixin noocan ah la diyaariyo ayaa ah, in qorayaasha warbixintani ay ogaadeen, in la caadaystay tacaddiyada haweenka iyo hablaha, oo gaadhsiisan illaa heer kufsi, inay ku kacaan masuuliyiin awood badan, ganacsato lacag haysata, adeegyo samafal bixinaya, macalin quraan huwan karaamadii diinta iyo  waliba shakhsiyaad xafiisyo maamula, haddana aanay la kulmin tallaabooyinkii sharci ee ay ahayd in laga qaado ama ugu yaraan in shaqada laga fadhiisiyo, iyada oo ay ugu wacan tahay, inaanay jirin hab dhibbanayaashu uga soo warbixiyaan tacaddiyada loo geysto.

Sidoo kale waxaa qorayaasha warbixintu ay diiwaangelisay, in ficilo anshaxa ka baxsan ay ka dhaceen goobaha waxbarashada, gaar ahaan jaamacadaha qaarkood oo ay ku lug yeeshaan macalimiin kala duwan, iyaga oo awoodda macalinimo u adeegsaday, inay hablo arday ah fara-xumeeyaan. Arrintani kama tarjumayso in dhammaan Jaamacadaha ay ka dhacaan tacaddiyadu, hase ahaatee waxay muujinaysaa oo keliya inay tahay dhacdooyin kooban, oo ka dhacay jaamacadaha qaarkood. Malcaamahada laftooda ayaa tacaddiyo kuwaas la mid ah laga diiwaangeliyey, iyada oo macalimiin koobani ay ku lug yeesheen xidhiidh jinsi (Zino) oo ay la sameeyeen hablo ay macalin u yihiin, ama mararka qaarkood ay gaadhay illaa heer kufsi. Haddii aan dhacdadan wax laga qaban, ayaa horseedi doonta inay dhaawac u geysato kalsoonidii lagu qabay malcaamadaha, isla markaana ay hoos u dhacdo, tirada ardayda ay ahayd inay isqoraan barashada diinta islaamka.

Iyada oo dhibaatooyinkaasi ay jiraan, ayaa haddana waxaa la hor istaagay, in la meelmariyo Xeerkii Kufsiga iyo Tacadiyada Haweenka, iyada oo dadka ka soo horjeeday xeerkaasi, aanay mudnaan siinin ama aanay si muuqata uga hadlin, tacaddiyadan dhaqan xumada xambaarsan ee ka dhanka ah hableheena ee la caadaysanayo ee ku soo badanaya bulshada, oo ahayd ujeedada ugu weyn ee xeerkaas loo sameeyey. Culimadu, sida ay uga hortimi xeerka Kufsiga, si la mid ah, wakhti umay gelin inay ka dagaalamaan in waxyeello jidheed iyo mid sharafeed loo geysto hablaha walaaleheen ah ama ubadka aynu dhallay, ee loo geysto tacaddiyada.

Culimadu waxay indhaha ka qarsadaan inay ka hadlaan falalka anshax xumada ah ee ay ku kacaan macalimiin quraan huwan magacii culimada, ama wadaad aynu masaajid ku aamminay oo ay ahayd in xaggiisa loo cararo inuu tacaddi jinsi u geysto hablo yaryar, kiisaskaas oo qaarkood ay maxkamadaha gaadheen.

Guddida Warbixinta qortay ayaa ogaatay inaanay jirin, habab ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo oo hablaha shaqaalaha ah ama ardayda ahi u soo gudbin karaan cabashooyinkooda la xidhiidha, haddii macalimiinta ama masuuliyiintu ay hablaha kula kacaan falal tacaddi ah. Taasina waxay keentay in hablo badani ay qarsadaan ama la qabsadaan dhibaatooyinka ku yimaadda.

Warbixintani, waxay ka hadlaysaa oo keliya tacadiyo ka dhan ah hableheena shaqaalaha ah ama ubadkeenna aynu u dirno goobaha waxbarashada, sawirka ay bixinayso kama tarjumayo in dhammaan goobaha waxbarashada ama shaqada ay ka dhacaan tacadiyo laga raalli yahay ama goob walba uu tacaddi ka dhaco, hase ahaatee waxaa warbixintani iftiiminaysaa, tirada kooban ee tacaddiyada soo badanaya ee aan laga warbixinin.

Waxaan qiraynaa in masuuliyiinta waxbarashada iyo kuwa goobaha shaqadu inay aad uga dagaallamaan, in tacaddiyo loo geysto hablaha, hase ahaatee waxaa warbixintani daaha ka rogaysaa inaanay jirin, hab ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo oo ay dhibbanayaashu uga soo warbixin karaan dhibaatooyinka ay la kulmaan.

Warbixintu kama hadlayso, xidhiidhka gogoleed (Zino) ee dhex mara rag iyo dumar is-ogol, taasi waa dembi, waana mid ciqaabtiisu u taallo Ilaahay SWT inuu addoomadiisa ku ciqaabo, ama haddii ay towbad la yimaadaan uu ka cafiyi karo. Waxaa warbixintu ku kooban tahay, falalka anshax xumada ee aan ku iman laba qof oo si iskood ah dembi u galay, hase ahaatee loo adeegsaday awood xafiiseed, si falkaas anshax xumada ah loo sameeyo, ama tacadiyo ka hooseeya oo hablaha sharaftooda iyo karaamadooda waxyeelaya.”

 

HALKAN GUJI SI AAD ULA SOO DEGTO WARBIXINTA

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net